HomeNuxurka War-murtiyeed Uu Soo Saaray Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA

Nuxurka War-murtiyeed Uu Soo Saaray Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)   Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu maanta oo ah 3-May-2016-ka oo ku beegan xuska maalinta Madax banaanida Saxaafadda Caalamka Hambalyo u dirayaa dhamaan Suxufiyiinta ku nool daafaha dunida, anagoo la qaybsanayna dhibaatada iyo Farxadda ay la nool yihiin ee ay leedahay Mihnada ay gacanta ku hayaan.

 

 

blank

 

 

Ururka SOLJA, waxa uu sidoo kale Hambalyaynayaa Suxufiyiinta Somaliland ee mudada Rubuc Qarniga ah usoo dhabar adaygayey Halganka ay ugu jiraan Madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay si xor ah u tabiyaan macluumaadka kala duwan ee ay bulshada u hayaan.

 

 

 

Ururka SOLJA waxa uu ku Hambalyaynayaa dhamaan Saxaafadda Somaliland sida hagar la’aanta ah ee ay ugu shaqeeyaan Qarankooda, isla markaana uga qayb qaataan wax kasta oo horumar gaadhsiin kara Umaddooda, iyagoo Ixtiraamaya karaamada ay ka mudan yihiin bulshadooda.

 

 

Ururka SOLJA waxa uu sanadkan 2016-ka gaadhay Guullo la taaban karo kuwaas oo ay ka mid yihiin:-

 

 

SOLJA waxay soo saartay Buug Caalami ah oo la yidhaahdo Horumarinta Halbeega Saxaafadda Somaliland (Somaliland Media Devolopment Indicator Report) oo ay ku duugan yihiin dhamaan Macluumaadka rasmiga ah ee Saxaafadda Somaliland, kaasoo noqon doona xogta rasmiga ah ee Saxaafadda Somaliland.

 

 

SOLJA waxay samaysay Qorshe lagu samaynayo Sanduuqa Adeega sharci ee Suxufiyiinta Somaliland (Journalist LEGAL AID FUND), kaasoo u sahlaya in uu ururku Suxufiyiinta u fidiyo adeeg sharci.

 

 

Ururka SOLJA waxa uu sameeyey Qorshe hawleed saddex sanadoodle ah oo uu ku shaqayn doono Ururku si loo kobciyo ama kor loogu qaado heerka Suxufiyiinta iyo Saxaafadda Somaliland.

 

 

Ururka SOLJA waxa uu sameeyey Siyaasada xubinimada Ururka (Membership Policy), iyadoo Diiwaangalinta rasmiga ah ee Suxufiyiinta Somaliland-na Ururku hirgain doono sanadkan 2016-ka.

 

Ururka SOLJA waxa uu soo saaray warbixin sanadeedkii 2015-ka taasoo koobsanaysa dhamaan dhacdooyinkii la soo darsay Suxufiyiinta Somaliland haddii ay tahay Xadhig, Tacadi ama Dhaawac, kuwaas oo uu Ururka dhamaantood wax ka qabtay.

 

 

Ururka SOLJA waxa uu sanadkan u gudbiyey Garsoorka, Xeer ilaalinta, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dacwado ka dhan ah Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo kuwo sharci oo khuseeya xeerka saxaafadda, gaar ahaan Dacwadaha ciqaabta ah ee Xeer ilaalintu ku Oogto Suxufiyiinta iyo Hay’adaha Warbaahinta.

 

Ururka SOLJA waxa uu sanadkan kulamo heer Caalami ah iyo kuwo Wadani ah la yeeshay Hay’addo Caalami ah iyo daneeyayaasha Saxaafadda, kuwaas oo ay ka soo baxeen warbixino wax ka tari kara baahiyaha ku gedaaman Saxaafadda Somaliland.

 

Soo jeedin:-

 

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland isagoo ka duulaya Xuska maalinta madax banaanida Saxaafadda Dunida waxa uu baaq usoo jeedinayaa qoddobadan.:-

 

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland inay ka qayb qaataan dhamaan dhacdooyinka lagu weynaynayo madax banaanida Somaliland, gaar ahaan Xuska 18-ka May, iyadoo uu doorka ay ku leeyihiin Ictiraaf raadintu ay muhiim u tahay Qarannimada Somaliland.

 

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Xukuumadda Somaliland inay xil iska saarto horumarinta saxaafadda, isla markaana ay dhawrsanaanto fal kasta oo hadimo ku noqon kara Madax banaanida Suxufiyiinta iyo Xorriyatul-qawlka.

 

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu usoo jeedinayaa Hay’adaha Caalamiga ah, Wasaaradaha iyo daneeyayaasha Saxaafadda ee gacanta ku haya mashaariicda khusaysa Saxaafadda inay kala shaqeeyaan SOLJA, gaar ahaana barnaamijyada wacyigalinta ee bulshada ay u hayaan.

Ururka SOLJA waxa uu bulshada u soo jeedinayaa inay taageeraan Saxaafadda isla markaana xidhiidh dhaw kala soo yeeshaan wax kasta oo ay u arkaan inay ku jirto Danta qaranku, si ay u helaan Macluumaad dhab ah oo ka dheer Been, Khilaaf, Af-lagaado, Qabyaalad iyo Sumcad dil.

 

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories