HomeNuxurka War-murtiyeed Shan qodob ka kooban oo wada-jir u soo saareen Wasiirrada...

Nuxurka War-murtiyeed Shan qodob ka kooban oo wada-jir u soo saareen Wasiirrada Saddexda wasaaradood oo muhiim ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- War-muriyeed ay si-wada jir ah u soo saareen Wasiirrada Saddex wasaaradood oo ka tirsan hay’adaha qaabilsan horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Wax-soo-saarka dalka, ayaa lagu go’aamiyey qodobbo xambaarsan qorshe lagu xakamaynayo dhul-daaqsimeedka iyo ku-takril-falka aan sharciga ah ee Dhul-beereedka.

sasWar-murtiyeedka oo ka kooban Shan qodob oo dhammaantood dhiirri-gelinaya xoojinta kala-xadaynta dhul-daaqsiyeedka iyo dhul-beereedka, waxa ku saxeexan isla markaana waxa sida wada-jir ah looga soo saaray kulan ay 28-kii Bishan isugu yimaaddeen Wasiirka Waaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md Axmed Muumin Seed iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Md Xasan Maxamed Cali.

War-murtiyeedka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:- “Shir ay si wada-jir ah u yeesheen Wasiirrada hoos ku xusan taariikhdu markay ahayd 28 April, 2018, kuna saabsnaa xaaladda kheyraadka dhulka iyo Xoojinta nabad-gelyada Somaliland, waxay isla garteen qodobbada hoos ku xusan:

  1. In la ilaaliyo kheyraadka dhul-daaqsimeedka oo aan la bixin Karin mulkiyad Beereed sharci ah.
  2. In la xoojiyo wax-soo-saarka beeraha iyadoo la tixgelinayo xuduuddii hore ee dhul-beereedka.
  3. In ciddii dhul-daaqsimeed ka sameysata Beer ay tahay sharci-darro, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
  4. In saddexda Wasaaradood si wada-jir ah uga hawl-galaan dhul-boobka lagu hayo dhul-daaqsimeedka.
  5. In Guddoomiyeyaasha Gobollada, Maayarrada degmooyinka iyo taliye Qaybeedyada Booliska ee gobollada ay gacan buuxda ka siiyaan saddexda wasaaradood sidii ay wax uga qaban-lahaayeen hawl-galladaas.”
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories