HomeNuxurka WAR-MURTIYEED laga soo saaray gunaanadka Kal-Fadhiga 33aad Ee Golaha Sare Ee...

Nuxurka WAR-MURTIYEED laga soo saaray gunaanadka Kal-Fadhiga 33aad Ee Golaha Sare Ee Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) —Kal-fadhigii 33aad ee Golaha Sare ee Dalladda Heer Qaran ee urrurada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Hoolka Shirarka ee dalladda SONYO ayaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo ay ku xardhan yihiin nuxurka 6 qodob oo muhiimad ballaadhan u leh guud ahaan dhallinyarada Somaliland.

Madaxda SonyyoWaxa Maanta oo ay taarikhdu tahay 09/09/2017 ku soo geba-gaboobay Xarunta Guud ee Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO kal-fadhiga 33aad ee Xubnaha Golaha sare ee 8aad. kal-fadhiyadan oo la qabto Afartii biloodba mar wax aka soo qayb gala dhamaan Xubnaha Xildhibaanadda Golaha sare ee Gololadda oo dhan waxaanu leeyahay ujeedooyin gaar ah salkana ku haya hadba xaaladda wakhtigaas lagu jiro, Goluhu iyagoo ka Mahad celinaya qaabka qurxoon ee kulanka loo Agaasimay iyo Habsami u socodka intii kulanku socoday waxa ay soo sareen War-Murtiyeedkan.

War-murtiyeedkaasi oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha dalladda SONYO Md. Cabdicasiis Siciid Saalaxwaxa ay qodobadiisu kala ahaayeen:

Goluhu Waxa uu gudida doorashooyinkaqaranka Somaliland Ku Hambalyaynayaa hanaankii quruxda badnaa ee kaadh qaadashadda doorashadda inagu soo foolka leh .Sidoo kale waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan muwaadiniita Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan dhalinyarada JSL Kaalintii firfircoonayd ee ay ka qaateen habsami u socodkii wacyigelinta muwaaadiniinta iyo kaadh qadashada intaba.

Goluhu wuxuu ku baaqayaa hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta si gaar ahna waxa uu u ka codsanayaa saddexda Xisbi Qaran ee UCID,KULMIYE iyo WADANI in ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar ku ah habsami u socodka doorashadda,wadajirka ummadda iyo ammaanka siiba wakhtiga loo qoondeeyay ololaha doorashada.

Goluhu wuxuu si buuxda u taageerayaa heshiiska nabadeed ee laga gaadhay khilaafkii dhex maray beelaha walaalaha ee Degmadda Ceel Afweyn iyo adkaynta nabadgalyadda.

Goluhu waxaa uu u mahad celinayaa Garbyada Dhalinyarada ee ASXAABTA Qaranka qaabka Wada-shaqayneed ee iyaga iyo Dallada SONYO,

Goluhu wuxuu soo saaray qorshaha Magacaabista guddiyo dhalinyaro oo la soco doona Anshaxa doorashada Madaxtooyada oo ka qabsoomi doonta Dalka 13/11/2017 Haddii Alle yidha.

Ugu Dambayn Goluhu wuxuu ku baaqayaa Kobcinta iyo kor u qaadista adeegyadda Dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo la iska kaashado Dawlad iyo Shiibba gar ahaan Ganacsatadda.

ALLAH MAHAD LEH

Guul iyo Gobanimo

Cabdicasiis Siciid Saalax

Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories