HomeNuxurka War-murtiyeed 8 Qodob ka kooban oo ka soo baxay Gunaanadka Shirka...

Nuxurka War-murtiyeed 8 Qodob ka kooban oo ka soo baxay Gunaanadka Shirka Beelaha Garxajis

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gacanlibaax (SLpost)-.Shir weynihii Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba oo muddoo sagaal caano maal ah ka soconayey Buurta Gacanlibaax, ayaa si rasmi ah loo soo gunaanaday, iyadoo laga soo saaaray war-murtiyeedka hoos ku xusan:

TOLWANAAJE2 (7)War-muriyeedka Kasoo Baxay Shir weynaha Beesha Garxajis.

Ugu horreyn shir weynaha Beelaha Garxajis ujeedadiisu mahaa in Qaranimada Somaliland lagu dumiyo ee waa in Qaranimada Somaliland ee majarihii toosnaa laga duwey lagu toosiyo, laguna suuliyo cadaaladad darrada badheedhka ah ee lagu kala  gudbiyey laguna kala qaybiyey beelihii reer Somaliland  ee walaalaha ahaa ee Dalka iyo Dowladnimadu ka dhaxaysay.

Waxaynu ognahay in shirkii nabadaynta ee aayo ka tashiga ahaa ee Beelaha Somaliland ku yeesheen Magaalada Boorama, si cad loogu heshiiyey in maamulka dowladnimo iyo khayraadka Dalka Somaliland loo sinaado, hase-yeeshee waxaan cidna ka qarsoonay in maamuladii kala dambeeyey ay si cad u duween oo meesha uga saareen cadaaladii sinaantii iyo wada lahaanshihii Somaliland kusoo caano maashay, taas cid gaar ahi sigaar ah u yeelatay ugana faa’iidaysato Dowlad-nimadii iyo khayraadkii dalkaba.

Waxa markhaati ma doona  in maamuladii dalka u kala dambeeyey ay si badheedh ah u baal mareen uguna tunteen ku dhaqankii Dastuurka iyo xeerarkii sharci ee kala ee Dalka u yaalay, iyagoo golayaashiii sharci dejinta iyo garsoorkiiba sida ay doonayaan u adeegsadey ama u beel maray.

Doorashooyinkii kala duwan ee intii ay hoggaanka hayeen dalka ka dhacayna si qaldan u maamulay, qof kasta ama Beel kasta oo reer Somaliland ahi oo lexejeclo ka hayso dalka Somaliland , wuxuu markhaati ka yahay in khayraadkii kala duwanaa ee dalkanu lahaa ay cid gaar ah oo gashan shaadhkii Dowlada Somaliland ay boobtey oo si gaar ah uga faa’iidaysatay, iyagoo adeegsanaya shirkado shisheeye oo Sahamin Shidaal lagu sheegay, kuwaas oo aan la marin golayaashii sharci dejinta  ee ansixintooda xaqa u lahaa , isla markaana Dad weynihii ku noolaa deegaamadaas loo geystay dhibaatooyin cabudhin iyo caga jugleyn-ba leh.

Waxeynu ognahay in ilihii dhaqaalaha ee Dalku lahaa, sida Dekadda Berbera, Garoonka Diyaaradaha ee Berbera lagu wareejiyey  shirkaddo iyo Dowlado shisheeye, iyadoo aan heshiiskooda loo marin wadadii sharciga ahayd ee Dastuurka Dalku qayaxayey ee dad gaar ahi si gaar ah uga faa’iidaysteen, isla markaana aan dad weynaha reer Somaliland loo soo bandhigin lagana qancin faa’iidada ugu jirta iyo waxa loogu bedelay iyadoo ay intaas dheertahay oo ay cadahay khatarta dagaal ee kaga iman karta dalka iyo dadka reer Somaliland kala qaybsanaanta siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladaha carbeed ee aynu deriska nahay ee qaarkood dhulkaa lagu wareejiyey.

Waxaan cidna ka qarsoonayn in wada lahaanshihii Somaliland ee soo jireenka ahaa lagu badelay, beelo isku bahaystay Boobka Somaliland,kuwaas oo heshiis beelaysan oo aanay cidna ka qarin ku galay inay Dowladnimada iyo khayraadka Dalka si gaar ah u wada yeeshaan ugana faa’iideystaan..

Haddaba Shir weynaha Beelaha Garxajis,isagoo ka duulaya dhammaan qodobada dhaliilaha ah  ee kor ku xusan ee maanta Dalka ka jira, wuxuu soo saaray go’aamadan hoos ku xusan oo loogu talogalay war-baahinta ama war-murtiyeedkii shirka ah.

  1. Shirweynaha Beelaha Garxajis ee Tolwanaaje 2, ee ku soo xidhmay Buurta Gacan Libaax wuxuu caddaynayaa in si buuxda Shirweynaha la isula qaatay midnimo buuxda oo Garxajis.

  1. Beelweynta Garxajis, waxay caddaymo buuxa u haysaa in Madaxda sare ee Dawladda iyo dhammaan qaab-dhismeedka Dawladda ee Madaxweynuhu soo dhisay, markii la doortay sida Golaha Wasiirrada, Agaasimayaasha guud, Agaasimo waaxeedyada, Madaxda Hay’adaha Madaxa bannaan, hogaamada ciidamada kala duwan, saraakiisha Ciidamada iyo dhammaan shaqaalaha Dawladda Boqolkiiba shan iyo lixdan (65%) ay ka soo jeedaan ama ka tirsan yihiin beelaha isu bahaystay xaq-darrada. taas oo ah xaalad aan u cuntami Karin Beelweynta Garxajis iyo beelaha kale ee reer Somaliland midna, sidaa awgeed waxaanu soo jeedinaynaa in si deg-deg ah oo daahis lahayn loo saxo loona baddelo caddaalad-darradaas oo ah mid aanay Somaliland ku sii jiri Karin.
  2. 3.Beelweynta Garxajis, waxay ku heshiisay inay talo kula noqoto dhammaan beelaha Somaliland, si loo gaadho ama loo helo Somaliland la wada leeyahay.
  3. Beelweynta Garxajis waxa u caddaatay in khayraadkii dalka, maalgashigii dibadda, kaalmooyinkii caalamiga ahaa iyo dhammaan qandaraasyadii dalka aan loo sinayn oo si gaar ahna loogu xidhay dad gaar ah, taas oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka, abuurtayna kala sarrayn dhaqaale iyo in Hantidii dalka gacanta loo galiyay dad gaar ah.
  4. Shirweynaha beelaha Garxajis, wuxuu madaxweynaha u soo jeedinayaa, kuna adkaynaa in Dastuurka Qaranka la furo si Beelaha darafyada Somaliland ee cabashadoodu inta badan soo noqo-noqotay iyo Beelaha kaleba xuquuqdooda Dastuuriga ah ay u helaan awoodda hoggaaminta dalkana loogu sinnaado.
  5. Waxa cad inay isku milmeen saddexdii waaxood ee qaab-dhismeedka qaranku lahaa, sida waaxda fulinta, Sharci dejinta iyo Garsoorka. Sidaa awgeed Beelweynta Garxajis, waxay ku baaqaysaa in dib loogu soo noqdo ku dhaqanka dastuurka dalka, saddexda Waaxoodna kala madax bannaanaadaan.
  6. Beelweynta Garxajis waxay dhiigeeda iyo iyo dhuuxeedaba u shubtay jiritaanka madax-bannaanida dalka Somaliland, si loo helo dal la wada leeyahay, iyadoo tiro ka badan toban kun (10,000) oo geesiyaal ahi ku weyday, tiro kale oo intaa ka badanna kaga naafawday. Sidaa awgeed Beelweynta Garxajis, waxay digniin culus u diraysaa cid kasta oo madaxda Qaranka ka tirsan oo beeshan ku eedaysa qaran dumis.
  7. Bulshada reer Somaliland ee nabadda jecel waxay markhaati ka yihiin in dagaalka labada sano ka saconayay deegaanka Ceel-Aweyn ilaa haddana socda ee u dhexeeya labada beelood ee Walaalaha ah aanay dhex ka ahayn Dawladda Somaliland ee maanta jirta iyo dawladdii ka horraysay midkoodna. Sidaa awgeeda Beelweynta Garxajis waxay baaq nabadeed u diraysaa labada beelood ee dirirtu ka dhaxayso ee walaalaha ah iyaga oo leh ‘CAQLIGIINU HA GARTO DHIBAATADA GURYIHIINA TAALA’ . Madaxweynahana waxaanu ku adkaynaynaa inuu ku dhiirrado soo af-jarista si degdega colaaddaa, isagoo adeegsanaya awoodda dawladnnimo, caddaalad iyo inuu wax ka qabto dembiilayaasha dagaalkaas hurinaya ee isugu jira gacan ku dhiigleyaal iyo siyaasiyiinta xukuumaddiisa ka tirsan, si ay u fududaato in la isugu yimaaddo wada hadal nabadeed xalna loo gaadho, loogana badbaado in dagaalkaasi deegaano kale ku fido.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories