HomeNuxurka War-murtiyeed 14 Qodob ka kooban oo laga saaray Shirweynaha Tiknoolajiyadda Somaliland

Nuxurka War-murtiyeed 14 Qodob ka kooban oo laga saaray Shirweynaha Tiknoolajiyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Shirka Tignoolajiyadda iyo horumarinta Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland ee Somaliland ICT Conference 2020, ayaa gelinkii dambe ee Axadda maanta la soo gebo-gabeeyey, ka dib markii uu muddo laba maalmood ah ka socday Huteel Grand Haadi Hotel ee magaalada Hargeysa.

Shirka oo uu Sabtidii shalay furay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana ay ka qaybgaleen Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Agaasimeyaal guud, Madaxda Shirkadaha Isgaadhsiinta, ku-xigeenka Wakiilka Dowladda Tiwain u fadhiya magaalada Hargeysa ee Somaliland, Aqoonyahanno, Khuboro Tignoolajiyadda ku xeel-dheer, mudan iyo marti-sharaf kale, ayaa gebo-gabadiisii waxa laga soo saaray War-murtiyeed 14 qodob ka kooban.

blankWaxa uu Shirkan ICT-ga Somaliland ee 2020, noqonayaa Shirkii labaad ee sidan oo kale ah ee ay sannadkii labaad oo xidhiidh ah qabato Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, halka ay agaasinka Shirka fulinaysay Shirkadda Wadaag, ayaa War-murtiyeedka ka soo baxay oo uu akhriyey Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, waxa nuqul ka mid ah oo ay warbaahinta aftahannews.com heshay u dhignaa sidatan ee ka bogasho habboon:-

“Si kor loogu qaado loona xoojiyo mustaqbalka tiknoolajiyadda qaranka waxa markii labaad Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu soo qabanqaabisey Shirweynihii qaran ee tiknoolajiyadda (ICT-da) oo ujeedooyinka ugu waaweyni ay yihiin sidii daneeyayaasha tiknoolajiyaddu (ICT-gu) uga wada hadli lahaayeen ‘qaabaynta Mustaqbalka tiknoolajiyadda (ICT-ga) Qaranka’.

Shirkani wuxu isku keeney in ka badan 350 qof oo iskugu jira madaxda dawladda, shirkadaha Isgaadhsiinta, shirkadaha sameeya nidaamyada kala duwan (software developers), shirkadaha ka ganacsada agabka tiknoolojiga, shirkadaha bixiya adeega tiknoolajiga, madaxda jaamacaddaha dalka, aqoonyahanada, xirfadlayaasha iyo ardeyda jaamacaddaha.

Haddaba, shirkan oo socdey laba maalmood qodobdii ka soo baxay waxa ka mid ahaa:

  1. Deegaamaynta aqoonta ICT-ga.
  2. Samaynta siyaasad lagu yaraynayo farqiga tiknoolaji ee u dhaxeeya qaybaha bulshada (narrowing the disparity gap brought by the digital divide).
  3. In dhalinyarada leh hal-abuurka ICT-ga hesho meel/goob ay ku kobciyaan xirfadooda aqooneed (Xarunta Hal-abuurka ICT-da).
  4. In ay dhalinyarada Hal-abuurka lehi ay helaan maalgalin (Sanduuqa maalgalinta ICT-ga).
  5. In la sameeyo shuruuc ilaalinaysa fikrada hal-abuurka tiknoolajiga (ICT) ee qofka la yimaado.
  6. In ardayda dugsiyada sare dhigataa ay helaan aasaasiyaadka ICT-ga (In curriculam-ka dugsiga sare lagu daro maadada IT-ga).
  7. In tartammo loo qabto dhalinyarada leh hal-abuurka ICT-ga.
  8. In barnaamijyo wacyigalineed laga sameeyo isticmaalka tiknoolojiyadda si kor loogu qaado u adeegsiga tiknoolajiyadda dhinaca togan.
  9. In la sii xoojiyo fursadihii ka dhashey Adeegsiga tiknoolajiyadda covid-19.
  10. In la tayeeyo manhajka ICT-ga iyo in kor loo qaado kaabayaasha ICT-ga ee jaamacaddaha (in iskaashi lagu sameeyo sidii loo buuxin lahaa kaabayaasha ICT ee jaamacaddaha).
  11. In kor loo qaado aqoonta ICT-ga ee Haweenka.
  12. In la xoojiyo iskaashiga u dhaxeeya daneeyayaasha ICT-ga Somaliland.
  13. In sare looqaado aqoonta aasaasiga ah ee tiknoolajiyadda (ICT literacy).
  14. In la kordhiyo adeegyadda ay dawladdu ku bixiso si electronic ah.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-murtiyeedka ka soo baxay gunaanadka Shirka ICT-ga Somaliland ee sannadkan dhammaanaya ee 2020-ka ka qabsoomay Hargeysa.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalladii laga jeediyey Shirweynaha oo uu soo xidhay wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Horumarinta Teknoolajiyadda ee Somaliland

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories