HomeNuxurka Wadahadalladii Dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya iyo Weftiga Somaliland ee Guddoomiyaha KULMIYE

Nuxurka Wadahadalladii Dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya iyo Weftiga Somaliland ee Guddoomiyaha KULMIYE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn iyo wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan meeqaamkiisu sarreeyo oo ay ku yeesheen qasriga Madaxtooyada looga taliyo waddanka Itoobiya Khamiistii waxay kaga wadahadlay arrimo ku saabsan xoojinta iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya labada dal.

som12.Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo weftigiisa oo ay xubno ka haaayeen Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Madaxtooyada, Daakhiliga iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka waxay kulanka ay la yeeshee Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo qaatay saacado badan ku falanqeeyeen kor-u-qaadida kaabayaasha dhaqaalaha,, gaar ahaan dhismaha waddada isku xidha Somaliland iyo Itoobiya si ay u xoojiso isticmaalka Itoobiya ee Dekedda Berbera, ka wadashaqaynta nabadgalyada iyo iskaashiga labada dal,  ay ku wehelinayeen kulankaasi wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

som4.Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday la hadlay warbaahinta Itoobiya, waxa uu sheegay in ay Ra’iisal-wasaaraha ku heshiiyeen horumarinta dekedda Berbera oo uu xusay inay suurtogalinayso ko-u-qaadida xidhiidhka labada waddanka, isla markaana ay isku waafaqeen taabbogalinta ganacsiga iyo wadashaqaynta dhaqaalaha si loo gaadho horumar bulsho. Sidoo kale, waxa uu Wasiirku si gaar ah u tilmaamay in ay Ra’iisal-wasaaraha isku afgarteen sii wadadi deeqaha waxbarasho ee Itoobiyo siiso ardayda Somaliland.

Waxa kaloo uu sheegay inay Somaliland iyo Itoobiya sii wadayaan wadashaqaynta dhexdooda ah oo aan ku koobnayn uun danaha ka dhexeeya labadooda, balse ay qayb ka tahay xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

“Waxaannu ka wadahadalnay sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka labada waddan iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha nabadgalyada, dhaqaalaha bulshada, kulankaasi wuxuu ahaa mid la xidhiidha kulamo aannu hore ula kulanay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

16649015_1886308418314307_8276496440922900213_nDhinaca kale, Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Mr. Axmed Shide oo ku wehelinayey Ra’iisal-wasaaraha kulankaas, ayaa wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA u sheegay in Ra’iisal-wasaare Hailemariam caddeeyey inuu kala shaqaynayo Somaliland horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha si labada waddanba u gaadhaan dano ay ka wada faa’iidaystaan.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya waxa uu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen iskaashi wadashaqayneed si loo joogteeyo nabadda iyo xasilloonida, isla makraana loo yareeyo abaarta uu u nugulyahay gobolku.

Waxa kaloo uu intaa raaciyey in hoggaamiyayaashu isku raaceen ka wada faa’iidaysiga dhinaca tamarta.

Xubno ka mid ah weftiga Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil ayaa dalka dib ugu soo laabtay, halka Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Axmed Xaaji Daahir oo ka mid ah xisbiga KULMIYE ay weli ku gudo jiraan safarkooda shaqo ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE iyo weftigiisa waxa kulanka ku wehelinayey Safiirka iyo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya – Cali Salaan Jirde (Cali-Shaambe) iyo Ayaale Salaad iyo weliba Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories