HomeNuxurka uu Xambaarsan yahay Bayaan ay ku saxeexan yihiin 160 Culimada Islaamka...

Nuxurka uu Xambaarsan yahay Bayaan ay ku saxeexan yihiin 160 Culimada Islaamka oo Codsi u diray Boqorka Sucuudiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Riyaadh (SLpost)- Bayaan ay wada-jir u soo saaray in ka badan 160 Culimada Islaamka Adduunka, ayaa ka hadlay Xaaladda uu ku sugan yahay Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo todobaadkan lagu riday Xukun Dil ah, waxaanay kaga codsadeen Boqorka dalka Sucuudiga, Salman Bin Abdulaziz inuu faro-gelin ku sameeyo isla markaana ka badbaadiyo xukunka dilka ah ee lagu riday Madaxweyne Maxamed Mursi oo dowladda ku xukuntay, kaddib markii uu Xabsiga ku jiray muddo ka badan laba sanno.

boqorka sucuudigaMaxamed Mursi oo noqday madaxweynihii u horreeyey ee shacabkiisu doorasho dimuqraaddi ah ku doorteen dalka Masar isla markaana hoggaaminayey Ururka Akhwaanu-Muslimiinta Masar, ayaa Xabsi ku jiray muddo ka badan laba sanno, kaddib markii Milatariga dalkaasi xukunka ka tuureen dowladdiisa, waxaana lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilal iyo xad-gudubyo loo geystay dad shacab ah intii uu socday Kacdoonkii Shacab ee Xukunka lagaga tuuray madaxweynihii ka horeeyey Xusni Mubaarak iyo muddadii uu xukunka hayay.

Culimada ku saxeexnaa Bayaanka loo diray Boqorka Sucuudiga, ayaa Xukunka dilka ah ee lagu riday Maxamed Mursi iyo Taageerayaashiisa ku tilmaamay mid aan caddaalad ku dhisnayn oo Aar-goosi siyaasadeed ka dambeeyo.

“Waxa ka dhaca gudaha Masar maaha wax khuseeya Arrimaha Gudaha dalka Masar oo kaliya, laakiin waa Arrin Saamayn ku yeelanaysa Waddamada Carabta iyo Dunida kale ee Islaamka guud ahaan,” Sidaa waxa lagu sheegay bayaanka ay culimada 160-ka ka badani u direen Boqorka Sucuudiga.

Maxkamad ku taalla waddanka Masar, ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday Xukun Dil ah oo ay ku ridday Madaxweyne Mursi, Xubno ka tirsan Ururka Akhwaanul-Muslimiinta iyo Taageerayaashiisa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories