HomeNuxurka Su’aalo Ku Saabsan Dekedda Berbera Iyo Saldhiga Imaaraadka Carabta Oo La...

Nuxurka Su’aalo Ku Saabsan Dekedda Berbera Iyo Saldhiga Imaaraadka Carabta Oo La Weydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, wuxuu machadka Africa Research Institute ee xaruntiisu tahay magaalada London ka jeediyay khudbad ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland.

1620751_291102677707503_1774773289_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Markii uu khudbadiisa oo dhinacyo badnayd dhammeeyay, waxa dadkii kulanka ka qayb galay oo ajaanib ku jireen weydiiyeen su’aalo kala duwan oo ku saabsan dekedda Berbera iyo DP world, saldhiga Imaaraadka Carabta laga siiyay Berbera iyo qodobo kale. Haddaba, machadka ayaa boggiisa Internetka ku baahiyay su’aalihii ugu xiisaha badnaa ee madashaas lagu weydiiyay Wasiir Sacad, kuwaas oo uu Geeska Afrika qaar ka mid ah u soo turjumay Af Soomaali, waxaanau su’aalaha iyo jawaabaha wasiir Sacad Cali Shire u dhaceen sidan:

Marka aynu ka hadlayno heshiiska DP World ee dekedda Berbera iyo saldhigga Milateri ee laga kireeyey Isutagga Imaaraadka Carabta, ma la odhan karaan aqoonsi la’aanta Somaliland ayaa xukuumaddii ku qasbaysa in ay dalkii dhaxal wareejiso?

Annagu runtii sidaas uma aragno. Waxa aanu u aragnaa in dhaxalkii dalka aanu wax ku soo kordhinayno.

Maxaa damaanad ah ee ay xukuumaddu ka haysataa in aan saldhiggaas milateri ee Imaaraadka laga kireeyey loo isitcmaali doonin colaad. tusaale ahaan hawlgallada Yemen?

Saldhig milateri waa saldhig milateri. Waa aan ka garaabayaa in uu jiri karo walaac dhinaca sharciyadda ahi. Laakiin saldhigyo kaleba waa ay ku yaallaan gobalka. Waxaa ka mid ah saldhigyada milateri ee Jabbuuti ku yaalla, ama saldhigga uu Imaaraadku ku leeyahay magaalada Casab ee dalka Eriteeriya. Maan maqlin wax raad taban ah oo ay saldhigyadani ku yeesheen dalalka marti geliyey.

Dawladdu ma waxa ay isku dayeysaa in ay aamusiiso cid kasta oo dood ka keenta ama ka soo horjeesata shirkadda DP World iyo heshiiska saldhigga Milateri.

Marnaba ma’ jirto sabab cid loo cabudhin karaa. Waa xaqiiq marka aad wada xaajood heshiis ku jirto, in aanad wixii laga wada xaajood oo dhan dadweynaha u sheegi karin.

Waa muhiim in la’la yimaaddo daahfurnaan iyo wada-tashi, laakiin sidaas oo kale waxaa iyaduna muhiim ah in si heshiis fiican loo helo ay qodobbada qaar sir ahaadaan, waana sida dal kasta oo kale oo dunida ahiba yeeli lahaa. Labadan heshiisba baarlamanku waa uu ansixiyey.

Dawladda Muqdisho ma waxa ay isku dayeysaa in ay carqaladayso heshiiska DP world iyo saldhigga Milateri ee Imaaraadka laga kiraynayo?

Dawladda Soomaaliya wax awood ah kuma laha Somaliland, Berberina ma khusayso. Heshiisyadani shaqadeeda ma’aha. Kuwa aanu la saxeexannay heshiisyadanina si fiican ayaa ay u og yihiin sida ay xaaladdu tahay. Sida qaran ayaa ay Somaliland arrintan ugala xaajoodeen, waana ay ka badheedheen hawshan.

Markii aad Imaaraadka wada  xaajoodka arrintan khuseeya kula jirteen, ma’ weydiisateen in ay si rasmi ah idiin aqoonsadaan?

Waan kuu xaqiijinayaa in aanu weydiisannay. cid kasta oo aanu wada xaajood la galnana waa aanu weydiisannaa. Laakiin marka aad wada xaajood ku jirto, qasab maaha in wax kasta oo aad doonayso aad hesho. Intii karaan ah ayaad shuruudaha riixaysaa uun.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories