HomeNuxurka Su’aal uu Xoghayaha Xisbiga WADDANI la Wadaagay Bulshada iyo Jawaabta ka...

Nuxurka Su’aal uu Xoghayaha Xisbiga WADDANI la Wadaagay Bulshada iyo Jawaabta ka soo Baxday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xoghahaya Guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi qoraal kooban oo uu ku faafiyey  facebook-giisa, waxa uu bulshada weydiiyey su’aal ah; Dowladda Sucuudigu ma leedahay Wasiir u qaabilsan Afrika? Waxa kaloo uu innaga codsaday bal in arrintaas laga baadho google-ka, isagoo xusay in wax kasta ama wixii la doono loo sheego bulshada, sababtoo ah ayuu yidhi; “waxba weynaan baadhin.”

 

blank

 

Qoraalka Xoghayaha Guud ee WADDANI, waxa uu u muuqday mid daba socday hadal ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo markii ay weftiga Madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabteen safarkoodii xajka maalintii Khamiista saxaafadda u sheegay in Madaxweynaha iyo weftigiisu ay kulan la qaateen Wasiirka Dowladda Sucuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika, isla markaana ay arrimo kala duwan ka wadahadleen labada dhinac.

 

“Waxa aannu la kulannay Wasiir ka tirsan Golaha Dowladda Sucuudiga oo ah Wasiirka Dowladda ee qaabilsan arrimaha Afrika oo weftigayaga oo isku dhan ayuu na qaabilay, waqti aad iyo aad u fiican ayuu na siiyey oo wax faro badan ayaannu ka sheekaysannay, su’aallo aad u fara badan ayaannu u jeedinay oo isaguna uu na weydiiyey, waxaanna nooga muuqanaysay inuu aad ah noo soo dhaweeyey, waqti aad u badana uu na siiyey,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo saxaafadda la hadlay markii ay weftiga Madaxweynuhu ka soo laabteen safarkii xajka.

 

blank

 

Sida ka muuqata qoraalka Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI, waxa uu calaamad-su’aal saaray warka ah inuu jiro Wasiir Sucuudiga u qabailsan Afrika, isagoo Xoghayuhu dadka ku dhiirigeliyey inay bartaan sida la iskaga hubiyo waxyaabaha ay siyaasiyiintu sheegaan, si ay u kala ogaadaan xaqiiqda ah; ‘hadalkaas siyaasigu ma runbaa mise maaha?

Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI waan ku raacsannahay, kuna taageersannahay in bulshadu iska hubiyo hadallada iyo fariimaha ka soo yeedha dadka siyaasiyiinta ah, kadibna hadalka runta ahna qaataan, wixii been ahna dhinac iskaga leexiyaan ama qofka siyaasiga ah loo sheego in hadalkiisu yahay mid been ah oo aanay waxba ka jirin, waxaanna xaqiiqo ah haddii arrintaas la sameeyo in siyaasiyiin badan ay bulshada kala xishoon lahaayeen hadallada beenta iyo beer-laxawsiga ah, mar walbana lagu wadahadli lahaa wixii xaqiiqo ah, iyadoo mucaaridnimadu ay noqon lahayd mid run iyo xaqiiqo ku salaysan, muxaafidnimaduna ay sidaas oo kale ku dhaqmi lahayd run iyo xaqiiqo dhab ah.

Haddaba, waxa aan leeyahay Xoghayaha xisbiga WADDANI talladaadii waannu qaadanay, waanan baadhnay arrintii aad bulshada weydiisay, waxaanna soo baxday inuu jiro Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda Sucuudiga, ninkaasna waxa magaciisa la yidhaahdaa Ahmed bin Abdulazis Qatan, waxaannu hore u ahaan jiray Safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Masar.

 

Hasayeeshee, digreeto isku-shaandhayn ah oo uu soo saaray Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz taariikhdu markii ay ahayd 26 February 2018, ayaa lagu magacaabay in Ahmed bin Abdulaziz Qattan uu noqdo Wasiirka Dowladda Sucuudiga u qaabilsan Arrimaha dalalka Afrika, kaasoo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga, iyadoo uu masuulkaasi ilaa hadda hayo xilkaas, waxaannu inta badan maamulaa siyaasadaha Arrimaha Dibadda ee uu dalka Sucuudigu kula dhaqmo dalalka Qaaradda Afrika.

 

Haddaba, waxa aan leeyahay wuu jiraa Wasiirka Sucuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika, balse Xoghaye Khadar Xuseen Yuusuf waxa isagana looga baahan yahay inuu bulshada la wadaago jawaab-celinta kaga soo noqotay su’aasha uu bulshada la wadaagay, si loogu arko inuu yahay masuul ka tirsan xisbi qaran oo dhaliishiisu tahay mid toosin ah, mustaqbalkana naawilaya inuu hoggaanka u qabto talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

https://aawsat.com/english/home/article/1187721/king-salman-issues-number-royal-decrees

http://www.arabnews.com/node/1518116/saudi-arabia

Waxa qoray Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories