HomeNuxurka Sagaal Qodob oo Gun-dhig u ah Go'aanka Maxkamadda Sare ee Muranka...

Nuxurka Sagaal Qodob oo Gun-dhig u ah Go’aanka Maxkamadda Sare ee Muranka Natiijada Doorashada Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Maalmaha soo socda waxa laga filayaa Maxkamadda Sare ee Kenya in ay go’aan ka gaadho khilaafka ka taagan natiijada doorashada madaxweynaha dalkaas oo uu kasoo hor jeestay Raila Odinga.

William Ruto oo ay guddiga doorashadu ku dhawaaqeen in uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha ayaa ka mid ah dadka sida weyn u sugaya go’aanka maadaama uu kala xaqiiqsanayo in xilka loo dhaarin doono iyo in howsha doorashada mar kale dib loogu laaban doono.

Tan iyo horaantii Isbuucan waxay maxkamaddu dhageysaneysay doodaha iyo jawaabaha ay bixinayeen qareennada dhinacyada isku haya dacwadda oo kala Raila Odinga, William Ruto iyo Guddiga doorashada.

Ka hor inta aanay garsooreyaashu go’aankooda soo saarin waxay eegayaan sagaal arrimood oo ay ku xaqiijinayaan hannaankii loo maray doorashada.

Sagaalka Arrimood ee Maxkamaddu Eegayso ayaa kala ah:

  1. Haddii ay Teknoolajiyadda Guddiga Doorashooyinku buuxisay heerar ku dheehan daacadnimo, hubin iyo sugnaan amni si loo dammaanad-qaado natiijo sax ah oo la xaqiijin karo.
  2. Haddii ay jirto faro-gelin lagu sameeyey foomamka laga keenay xarumaha codbixinta markii la baahiyey.
  3. Haddii uu jiro farqi u dhexeeya foomamka 34A ee la geliyey bogga IEBC, kuwa laga helay xarunta Qaran ee tirinta codadka iyo kuwa ay soo gudbiyeen wakiillada xafiisyada codbixinta.
  4. Haddii dib-u-dhigistii doorashada guddoomiyeyaasha gobollada, baarlamaanka iyo Golaha deegaanka ee siddeed goob-doorasho loo sameeyey si loo carqaladeedayo dacwad-soo-gudbiyeyaasha.
  5. Haddii uu jiray farqi aan la sharrixi karin oo u dhexeeya codadka la dhiibtay ee murashaxiinta madaxweynaha iyo xilalka kale ee Doorashada.
  6. Haddii Guddiga IEBC uu xaqiijinta, tirinta codadka iyo shaacinta natiijada uu maray hab waafaqsan dastuurka.
  7. Haddii madaxweynaha la doortay uu haysto 50%+1 cod, dhammaan codadka loo dhiibtay si waafaqsan dastuurka.
  8. Haddii ay jiraan waxyaabo is-daba marin iyo sharci-darro ah oo awood u leh saamaynta natiijada doorashada madaxweynaha.
  9. Go’aamada iyo awaamiinta ayay maxkamaddu soo saari kartaa ama dammaanad-qaadi kartaa.

Qareennada Raila Odinga ayaa intii ay dacwadda maxkamadda socotay ku dooday in khaladaad lagu sameeyay doorashada, nidaamkii saxda ahaana aan loo marin, balse sharci-yaqaannada difaacaya Guddiga Doorashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashadaas.

Sidoo kale, waxa dagaalka maxkamadda qeyb ka ahaa qareennada ka socday dhinaca Madaxweynaha la doortay, William Ruto, oo dhankooda beeninayay eedeymaha ka imanayay dhinaca hoggaamiyaha mucaaradka.

Madaxa Caddaaladda ee Kenya, Martha Koome, oo hoggaamineysa garsooreyaasha 7-da xubnood ka kooban ee maxamadda ugu sarreysa, ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gabogabeysay dhageysiga dacwadda.

Waxa la filayaa inay Xukunka kiiska soo saaraan maalinta Isniinta ah, balse waxa laga sugayaa inay shaaciyaan ogeysiis ku saabsan xilliga ay go’aanka ku dhawaaqayaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories