HomeNuxurka Qoraal Qabyo ah oo Komishanka iyo Axsaabta Siyaasaddu Iskula Qaateen...

Nuxurka Qoraal Qabyo ah oo Komishanka iyo Axsaabta Siyaasaddu Iskula Qaateen Go’aamo Midaysan Qaadhaan-bixiyeyaasha Loola Tago

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo guddiyo farsamo oo metelaya Xisbiyada Siyaasadda dalka oo maalmihii u dambeeyey Kulamo isdaba joog ah ku yeelanayey xarunta Komishanka, ayaa soo saaray qoraal qabyo ah oo ka kooban dhowr qodob oo la xidhiidha sidii ay doorashooyinka mustaqbalku u qabsoomi lahaayeen waqtiga loo qoondeeyay, isla markaana loo heli lahaa liisto sugan oo diiwaan gelinta codbixiyayaasha iyo tan madaniga ah.

Qoraalka Guddida doorashooyinka, wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo guddiyada Farsamo ee Axsaabta Siyaasaddu isla qaateen oo loo ballansan yahay inay in layska arko maalinta Sabti ee todobaadka soo socda si ay u saxeexan Guddoomiyeyaasha Axsaabta siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa lagu sheegay in markii ay si qoto dheer ugu lafogureen kulamada ay yeesheen ay u caddaatey sida ay lama huraanka u tahay in leysla helo doorashooyinka oo ku qabsooma waqtigooda iyo hirgelinta labada diiwaan-gelinood oo Codbixiyeyaasha iyo Tan Madaniga ah, waxaanay codsadeen in la dedejiyo, lana taageero howlaha diiwaangelinta dadweynaha iyo Codbixiyeyaasha.

Xisbiyada iyo KomishankaQoraalkan oo Wargeyska Ogaal helay nuqul ka mid ah, ayaa lagu sheegay sidan: “Baahidayada degdegga ahi waxa ay tahay in lagu qabto doorashooyinka oo dhan waqtigooda iyo taariikhda loo dhigay iyada oo aanay jirin dib u dhacyo si loo dhawro macnihii iyo noloshii geedi socodka dimuqraadiyada oo aanu ugu lumin dib u dhacyo iyo waqti fidsi sidii hore u dhacday.

Kulanno dhawr ahaa oo qabsoomay toddobaadadii la soo dhaafay oo ay ka qaybgaleen dhamaan dhinacyada daneeyaa sida NEC, MOI iyo saddexda xisbi siyaasadeed ee Kulmiye, UCID iyo Waddani waxa si qoto dheer loogu lafagurey arrimaha la xidhiidha hirgelinta mashruuca diiwaangelinta dadka iyo sida ugu dhaqso badan ee uu ula jaanqaadi lahaa doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo baarlamaanka ee sannadka 2015,” ayaa lagu yidhi qoraalka qabyada ah ee ay metelayaasha doorashooyinku isla qaateen.

Qodobbada ay isla qaateen Guddida doorashooyinka iyo guddida farsamo ee Axsaabta siyaasada, ayaa u dhignaa sidan:

• In howlihii wada jirka ahaa ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo dadweynuhu qaatey waqti dheer dhamaystirkoodii, isla markaana liistadii lama huraanka u ahayd diiwaangelinta codbixiyeyaasha dib u dhacayso oo aanay la jaanqaadayn waqtiga loo qariray in ay qabsoonto doorashooyinku.

• In doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka oo mar la wada qabanayo bisha Juun 2015 sida uu dhigayo xeer No. 37 uu sheegayo in la helo liistada diiwaangelinta godbixiyeyaasha ugu yaraan lix bilood ka hor waqtiga la qabanayo doorashooyinka.

• In Komishanka iyo asxaabta ay uga soo baxday wada hadalkoodii in aan liistada codbixiyaasha lagu heli kareyn waqtigii loo baahnaa marka la eego sida howluhu u socdaan. Sidoo kalena dhaqanka reer guuraaga iyo isbeddelada xilliyeed ee roobabku ay dib u sii dhigayaan howshii diiwaangelinta dadka iyo in lagu helo waqti liistada codbixinta oo la wada aqbali karo.

• In aan howsha diiwaangelinta dadka iyo codbixiyeyaasha aan laga saari karin siyaasadeynta, iyaga oo sababtuna tahay dabeecadda siyaasadeed ee jirta.

• Waxa jirta in gudo iyo dibadba si xooggan looga walaacsan yahay La’aanta liistooyinka diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka mustaqbalka si aanay u soo noqon dhibaatooyinkii iyo khaladaadkii soo waajahay dalka xilligii doorashooyinkii dawladaha hoose ee 2012.

Ugu dambayntii waxa ay dhinacyada ay khusaysaa isku raaceen in lagu qabto doorashooyinka waqtiga u cayiman isla markaana la helo liistada diiwaangelinta codbixiyaasha oo la wada aqbali karo.

Sidaa darteed, waxa si dhamaystirin la iskugu waafaqay in xubnaha guddida hoggaaminta dimuqraadiyadda laga codsado inay dib u eegto arrinta, ayna taageerto in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgeliyo hawlaha is barbar socda ee diiwaangelinta dadka iyo codbixiyeyaasha iyada oo aan la qalindaareyn mashruuca tijaabada ah ee hadda socda si loo fuliyo ujeedooyinka waqtiga dheer ee diiwaangelinta rayidka, isla markaana loo gaadho hadafka iyo ujeedooyinka laga leeyahay in waqti lagu helo diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socda ee 2015.”

Maalinta Sabtida ee todobaadka soo socda ayaa loo ballansan yahay in layskaga yimaaddo isla markaana, naaqishaad ka dib, laysla qaato go’aamo midaysan oo ay guddida diiwaangelintu u gudbiyaan Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera Doorashooyinka.

XIGASHO: Ogaal

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories