HomeNuxurka Qodobbo layskula qaatay kulan ay isku hor-fadhiisteen Madaxweynaha iyo Labada Guddoomiye...

Nuxurka Qodobbo layskula qaatay kulan ay isku hor-fadhiisteen Madaxweynaha iyo Labada Guddoomiye Mucaarad ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe.

IMG_0000Kulankan oo ah kii saddexaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi la yeesho hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, ayaa ahaa mid wada-tashi iyo is xog-waraysi ah oo madaxweynaha iyo madaxda labada xisbi mucaarid diiradda ku saareen arrimo door ah oo salka ku haya danta guud ee qaranka.

 Waxyaabaha liishaanka lagu saaray kulanka uu madaxweynuhu la qaatay labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa waxa kamid ahaa sidii meel looga soo wada-jeesan lahaa xoojinta midnimada umadda iyo adkaynta nabadgelyada qaranka, waxaana ay hoggaanka xisbiyada mucaaridku muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay madaxweynaha kala shaqeeyaan danaha guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo Ucid Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sidoo kale la iskula meel-dhigay in wada-jir iyo isku-duubni lagu wajaho bogsiinta dhammaanba wixii xanaf iyo xagtimo ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay dhammaadka sanadkii tegay ee 2017-ka.

Waxa kale oo kulankan la la iskula meel-dhigay sidii saddexda xisbi qaran, iyaga oo isku duuban ay uga wada-hawlgeli lahaayeen hirgelinta doorashooyinka  Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee dalka ka qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka.

Madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa sidoo kale kulankooda iskula gartay inay saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI yeeshaan wada-shaqayn joogto ah, lana hirgeliyo guddi  ka kooban 15-xubnood oo xisbi waliba yeelan doono 5-xubnood, si loo xoojiyo wad-shaqaynta axsaabta qaranka.

Kulanka madaxweynaha iyo labada hoggaamiye ee xisbiyada mucaaridka ah, ayaa kusoo dhammaaday jawi is af-garad, waxaana la isla waafaqay in meel looga soo wada jeesto hirgelinta himilada guud ee uu qaranka Somaliland leeyahay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories