HomeNuxurka Qodobbo lagu soo gunaanaday Wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya uga Socday Dalka...

Nuxurka Qodobbo lagu soo gunaanaday Wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya uga Socday Dalka Turkiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Istanbul (SLpost)- Wada-hadalladii mudada sadexda maalmood ah Somaliland iyo Soomaaliya uga socday magaaladda Istabuul ee dalka Turkiga, ayaa maanta la soo gabo-gabeeyay, waxaanay labada dhinac isku waafaqeen heshiis ka kooban qodobo kala duwan.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay heshiiskan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay heshiis ka soo baxo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya uga socday Turkiga.

Wasiirku waxa uu sheegay inay Somaliland ku faraxsan tahay in markii u horraysay Soomaaliya qiraal buuxa ka bixisay xasuuqii dawladii kalitaliska ahayd ee Soomaaliya ay u geysatay shacbiga Somaliland.

Wada-hadalkaWasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in qodobada lagu heshiiyay ay ka mid tahay in la sii wado wada hadalada, iyadoo la isku waafaqay in la sameeyo Guddi isku dhaf ah oo ka kooban Somaliland, Soomaaliya iyo Turkiga kuwaasi oo uu carabaabay inay noqon doonto Guddi u xil saarnaata sidii ay wada hadaladu u sii socon lahaayeen.

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu intaasi ku daray in lagu heshiiyay in wada hadalada dambe la iskugu soo noqdo 90 maalmood ama saddex bilood ka dib.

Ergada Somaliland oo ka koobnayd 7 Xubnood waxa hoggaaminayay Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo xubno ka ahaa Wasiirrada Madaxtooyadda, shaqada iyo arrimaha bulshada, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee aqalka odayaasha i yo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibada ee aqalka wakiiladda

Ergada Soomaaliya waxa hoggaaminayay Wasiirka Amniga Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guulleed, waxa kale oo xubno ka ahaa lix Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories