HomeNuxurka Qodobbo ka soo baxay Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti...

Nuxurka Qodobbo ka soo baxay Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wefti beesha Caalamka ka socda ( SAWIRRO )

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xukuummaddiisa, ayaa kulan la qaatay wefti ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka Midowga Yurub, kuwaas oo shalay socdaal ku yimi dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha, madaxweynaha iyo weftiga beesha Caalamka, ayaa ka wada-hadlay qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha wakiillada iyo sidoo xal-u-helidda khilaaf u dhexeeya Xisbiyada Qaranka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka qaranka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u sheegay weftiga inay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta qaranku isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Ahmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Siciid Jaamac Cali, wasiirka horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Ahmed, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

Dhinaca weftiga safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark.” Sidaa ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories