HomeNuxurka Qodobbada Ku jira Mooshin 20 Xildhibaan ka Gudbiyeen Hay'adda Caymiska Qaranka

Nuxurka Qodobbada Ku jira Mooshin 20 Xildhibaan ka Gudbiyeen Hay’adda Caymiska Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanmo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa golaha u  gudbiyay mooshin la xidhiidha hab-raaca xil-gudashada hay’adda Caymiska Qaranka iyo Fulinta Qaraar ay Maxkamadda Sare ee dalka dhawaan ka soo saartay dacwad laga gudbiyey hay’adda Caymiska Qaranka.

Mooshinkan oo ay golaha u gudbiyeen 20 mudane oo ka tirsan xildhibaannada Aqalka Hoose ee dalka, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii Goluhu go’aan uga soo saari lahaa hab-raaca sharci ee Xil-gudashadda hay’adda Caymiska Qaranka

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdirashiid Cabdilaahi Cagaweyne, ayaa fadhigii maanta Golaha ka hor-akhriyey Mooshinkan oo ay ku saxeexan yihiin magacyada 20 xildhibaan.

Waxa ay xildhibaannadu soo-jeedintooda ku sheegeen inay Mooshinkan soo-gudbintiisa u cuskadeen qodobka 42aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiiladda Somaliland ee xeer LN.12/2020 oo dhigaya in ay mudaneyaashu xaq u leeyihiin in ay soo gudbiyaan oo ay soo qoraan codsi mooshin, kaasoo ay ku soo hagaajinayaan xoghayaha guud ee golaha Wakiilada, sidoo kalena ay maanka ku hayaan nuxurka ku tilmaaman xeerka Caymiska qaranka 92/2021 iyo ahmiyadda balaadhan ee ay xanbaarsan yihiin addeegyadda ay hay’adda Caymisku Qaranku u xil saaran tahay.

Waxa kale oo ay xildhibaannadu sababaha mooshinka ay soo gudbiyeen ku sheegeen iyagoo ahmiyad siinaya cabashooyin ay golaha Wakiiladda u soo gudbiyeen gaadiidleyda dalka, iyagoo tixgelinayaduruufaha iyo qabyo ka muuqata Caymiska.

Mooshinka ay xildhibaannadu Golaha u soo gudbiyeen, waxa ay ku sheegeen in Go’aan Gole laga soo saaro Qodobbo ay ka mid yihiin:

  • In Goluhu ayido Go’aankii Maxkamadda Sare dhawaan ka soo saartay Dacwad laga gudbiyey hay’adda Caymiska 18-kii bishan September 2021-ka.
  • In ha’yadda Caymiska Qaranku xilkeeda u gudato si waafaqsan dastuurka dalka iyo shareecadda Islaamka.
  • Iyo in ha’yadda Caymiska qaranku hakiso, dhamaanka adeegyadii Caymiska ee ay shirkaduhu bixiyaan.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Xildhibaan Cabdirashiid Cagaweyne oo si faahfaahsan uga warramay asbaabaha sharci ee uu xambaarsan yahay Mooshinka ay Goleweynaha u gudbiyeen

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories