HomeNuxurka Qodobbada ku jira Heshiis Taariikhi ah oo Dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo...

Nuxurka Qodobbada ku jira Heshiis Taariikhi ah oo Dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya, ayaa manata si rasmi u kala saxeexday heshiis laba geesood ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada waddan ee dhinacyada ammaanka, ganacsiga, Maalgeshiga, horumarka iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenya oo kulankoodii labaad yeeshay Salaasada maanta, ayaa kala saxeexday heshiis lagu xoojinayo xidhiidhada dibloomasiyadda, Ganacsiga, maalgashiga iyo horumarka ee ka dhexeeya labada waddan, sida lagu sheegay war-murtiyeed laga soo saaray kulanka labada madaxweyne oo ay baahisay madaxtooyada dalka Kenya.

blankWaxa war-murtiyeedka lagu sheegay in labada hoggaamiye isla qaateen in bisha March ee sannadka 2021 la fulin doono qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska labada dhinac, kuwaas oo ay ka mid yihiin in magaalada Hargeysa laga furo qunsuliyadda dalka Kenya, in masuuliyiinta dowladdu ay baasaaboorka Somaliland ku tagaan dalka Kenya iyo in kor loo qaado meeqaamka xafiiska dibloomasiyadeed ee Somaliland ku leedahay magaalada Nairobi.

War-murtiyeed laga soo saaray kulanka labada madaxweyne, waxa lagu yidhi, “Madaxweynayaashu waxay mar kale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay inay sii xoojiyaan xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Somaliland. Waxay si qoto dheer u xuseen in iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland uu salka ku hayo mabaadi aasaasi ah oo ay wadaagaan labada waddan iyo sidii ay uga wada-shaqayn lahaayeen kobcinta nabad waarta iyo xasilloonida mandaqadda.

Madaxweynayaashu waxay cadeeyeen in madaxda ay masuuliyad ka saaran tahay sugida nabada iyo xasiloonida gobolka, si shacabka loogu suurta geliyo inay horumar dhaqaale iyo nabad waarta helaan. Iyadoo tan la eegayo, waxay labada hoggaamiye isla qaateen in Somaliland iskeed u samaysatay nabadda iyo xasiloonida ay haysato iyo hirgelinta dimoqraadiyadda iyo nidaamka dowladeed ee ay samaysatay. Kenya iyo Somaliland waxay sii wadi doonaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo xasiloonida.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedkan oo madaxtooyada Kenya baahisay. 

Sida lagu sheegay war-mutiyeedka, waxa ay labada hoggaamiye diiradda saareen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsi ee labada waddan, iyadoo la hirgelinayo duullimaadyo toos ah oo isaga kala goosha magaalooyinka Hargeysa iyo Niarobi, isla markaana layska qaashado dhinacyada Beeraha, horumarinta Xoolaha nool, tacliinta, tamarta iyo iskaashi dhexmara Dekedaha Berbera iyo Mombasa.

“Waxa labada madaxweyne ku heshiiyeen inay masuuliyiinta ay khuseyso ee xukuumadahooda u xil-saaraan kana wada-shaqeeyaan ka-midho-dhalinta qodobbada Aasaasiga ah ee heshiiska ku jira si kor loogu qaado xidhiidhka labada shacab, si loo kobciyo ganacsiga iyo maalgeshiga, si kor loogu qaado iskaashiga dhinaca ammaanka iyo xog-wadaagga hay’adaha ay khuseyso si looga hortago kooxaha xag-jirka ah iyo fal-dambiyeedyada abaabulan ee isaga gudbi kara labada waddan.”

“Si loo hirgeliyo ballan-qaadyada la sameeyey, Labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in jadwalka soo socda ee lagu fuliyo arrimo dhowr ah oo kala ah: B) Kenya waxay Qunsuliyaddeeda ka furaneysaa magaalada Hargeysa dhamaadka bisha March 2021. Sidoo kalena ay Somaliland isla waqtigaas kor u qaaddo meeqaamka xafiiska dibloosiyadeed ee Nairobi. T) Shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways iyo shirkadaha kale ee diyaaradaha ay dhammaadka bisha March 2021 duulimaadyo toos ah ka dhex-bilaabaan Hargeysa iyo Nairobi. J) Inay baasaaboorka Somaliland ku tagi karaan dalka Kenya, Dal-ku-galkana ku dalban karaan masuuliyiin cayiman oo liiskooda la hayo laga bilaabo dhammaadka bisha March ee 2021-ka. X) Masuuliyiin ka socda dowladaha Somaliland iyo Kenya, ayaa isla qaadan doona xilliyada la fulinayo iyo macluumaadka kale ee la xidhiidha kor u qaadista xidhiidhada farsamo ee ay ka mid yihiin fulinta barnaamijyada horumarineed ee labada waddan is-weydaarsanayaan sida ardayda, khubarada Beeraha, dhakhaatiirta iyo xirfadleyaasha kaleba.,” sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Waxa kale oo war-murtiyeedka lagu sheegay in Labada Hoggaamiye ballanqaadeen ka wada shaqeynta ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay xuseen in Al-shabaab ay wali halis muuqata ku hayso gobolka, waxaanay ugu waxay ku baaqeen in beesha Caalamku si adag uga qayb-gasho taageeridda dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha Xig-jirka ah ee Mandaqadda Geeska Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories