HomeNuxurka Kulan Shalay Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Nuxurka Kulan Shalay Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay guddiga doorashooyinka qaranka, iyagoo ka wada hadlay hawlaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa  sheegay in kulanka oo ay dalbadeen guddiga doorashooyinku lagaga wada hadlay bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo bilaabmaysa 21 June 2015 iyo geedi socodka hawlaha doorashooyinka qaranka.

Warku wuxuu intaas raaciyay in guddiga doorashadu Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyeen ku xigeenkiisa Saylici iyo xubno wasiiro ahi, ugu xog warameen bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo arrimaha doorashooyinka. Sida ay ilahani sheegeen waxay guddiga doorashooyinku Madaxweyne Siilaanyo u bandhigeen sida ay muhiimka u tahay in la cadeeyo wakhti rasmi ah oo la isku raacsanyahay oo doorashooyinka la qabto.

Golaha guurtida ayaa muddo kordhintii ay sameeyeen waxay ku go’aamiyeen inay doorashooyinku qabsoomaan horaanta sannadka 2017 halka ay xisbiyada iyo xukuumadu isla qaateen in doroashooyinka la qabto bisha December ee sannadka 2016. Waxaanay guddiga doorashadu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen in la isla qaato labadaas wakhti midkood si loo gudo gawlo hawlaha doorashada iyo jadwalka shaqo ee guddiga doorashooyinka. Warku wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo guddiga doorashada u sheegay inuu ku hawlanyahay xal u helida khilaafka ka taagan wakhtiga doorashada la qabanayo. Madaxweyne-xigeenka Md. Saylici oo isna halkaas ka jeediyay hadalo kooban ayaa tilmaamay sida ay qaran muhiim u tahay in la isku raaco wakhti la isku raacsanyahay oo aan khilaaf ka taagnayn. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madasha fadhiyay  ayaa isna la sheegay inuu tilmaamay inay xukuumad ahaan  jecelyihiin inuu hirgalo heshiiskii ay wada gaadheen xisbiyada iyo xukuumadu, isagoo dhinaca kalena tilmaamay go’aanka golaha guurtida. Si kastaba ha ahaate kulanka ayaa lagu tilmaamay mid marka laga tago warbixino la iska dhagaystay aanay ka soo bixin natiijo miisaan leh oo la xidhiidha xal ka gaadhista khilaafka doorashada.

Source: Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories