HomeNuxurka Kulan Saddex-geesood ah oo magaalada Jabuuti ku Dhexmaray Dalalka Somaliland, Djibouti...

Nuxurka Kulan Saddex-geesood ah oo magaalada Jabuuti ku Dhexmaray Dalalka Somaliland, Djibouti iyo Turkey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Djibouti (SLpost)- Wasiirro ka socda Xukuumadda Somaliland, ayaa magaalada Jabuuti kulamo kala duwan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas iyo Safiirka dawladda Turkiga u fadhiya magaalada Jabuuti.

DJIBOUTI (2)Wasiirrada Madaxtooyada, Dib-u-dejinta iyo Qorshaynta Somaliland, ayaa maanta la kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf oo xafiskiisa ku qaabilay iyo Safiirka Dalka Turkiga u fadhiga dalka Jabuuti, waxaanay ka wada-hadleen Hirgelinta waddo laami ah oo Isku-xidhaysa Somaliland iyo Jabuuti oo Dawladda Turkigu dhismaheeda ballan-qaaday.

Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hoggaaminaya weftiga Somaliland, ayaa tafaasil ka bixiyey natiijada kulamadaas iyo waxyaabihiisa lagaga hadlay.

“Waxay ahayd maanta ka dib markii aan kulamo gaar-gaar ah la kala qaadanay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dawlada aynu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Safiirka Turkey-ga u qaabilsan dalka Jabuuti Kulankii Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti.Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibeda ee dalka Jabuuti, guud ahaan wuxuu ahaa kulan u daaran isxog siin , xoojinta xidhiidhka labada dal iyo dardar gelinta jidka isku xidhi doona Jabuuti iyo Saylac,” sidaas waxa sheegay wasiir Xirsi oo boggiisa Facebook ku faahfaahiyey nuxurka kulankaas.

DJIBOUTI (3)“Sidoo kale waxaanu kala hadalnay sidii dawlada Jabuuti ay dhankeeda taageerro iyo dar-dar gelin uga gaysan lahayd hirgelinta jidkaas isku xidhi doona labada dal Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibeda ee dalka Jabuuti Mudane, Maxamed Cali Yuusuf ayaa dhankiisa si dareen gacaltooyo iyo xidhiidh dawladeed ku dheehan tahay noo qaabilay isla markaana dhankiisa adkeeyey sida dawlada Jabuuti ay mar-walba uga go’an tahay kor u qaadida xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti isla markaana dareen fiican ku soo dhaweeyey hirgalinta jidkan. Wasiirka ayaa ku dheeraday xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal isagoo sheegay in Dawlada Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo ay ka dhaxayso Walaalnimo, Jaarnimo iyo isdhex bulsho,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu sheegay in danjiraha Turkiga u fadhiya Jabuuti uu daboolka ka qaaday inay dawladiisu ka shaqeynayso hirgelinta jidka isku xidha Saylac iyo Jabuuti oo ay hore u balan-qaaday, isagoo arrimahaas iftiiminayay waxa uu yidhi, “Intaas kadib waxaanu kulan ka qabsoomay Safaraada Dawlada Turkey-gu ku leedahay dalka Jabuuti la qaadanay Safiirka Dawlada Turkey-ga u fadhiya Jabuuti. Ugu horayn waxaanu si qoto dheer uga xog waranay xidhiidhka dheer ee Somaliland iyo dawlada Turkey-ga ka dhaxeeya iyo muhiimada jidka isku xidhaya Jabouti iyo Saylac ee ay hirgalintiisa balan-qaadeen dawlada Turkey-gu.

DJIBOUTI (1)Safiirka ayaa dhankiisa cabiray qiimaha iyo dareenka uu u hayo shacabka ku dhaqan Somaliland isagoo si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikheed, diimeed iyo walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal

Sidoo kale wuxuu nooga waramay qorshayaasha dawlada Turkey-ga ee ku aadan dib u dhiska iyo dayactirka goobaha taariikhiga ah ee Saylac iyo hirgalinta jidka isku xidhi doonaa Saylac iyo Jabuuti.”

Wasiirka oo arrimahan ka sii hadlayey, waxa uu intaas ku daray, “Guud ahaan safarkan oo muhiimadiisu ahayd dabagalka Jidka Isku Xidhaya Saylac iyo Jabuuti oo aanu hore balan-qaadkiisa uga haysanay dawlada Turkey iyo abaabulka, dardar gelinta iyo gogol xaadhka jidka isku xidhaya Saylac iyo Boorama ayaa noogu soo dhamaaday rajo fiican iyo diyaar garow xoog badan, Shacabka reer Somaliland meel ay jooganba waxaan ku bogaadinaya sida damiirkoodu ugu soo jeedo dhismaha dalka iyo taabo gelinta Qaranka,” ayuu qoraalkiisa ku sheegay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories