HomeNuxurka Kulan muhiima oo dhex-maray Madaxweyne Obama iyo 500 oo ka tirsan...

Nuxurka Kulan muhiima oo dhex-maray Madaxweyne Obama iyo 500 oo ka tirsan Dhalinyarada Hoggaanka Mustaqbalka ee Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, ayaa magaalada Washington ee xarunta dalkiisa kula kulmay maalintii Isniintii ee toddobaadkan in ka badan 500 oo dhalinyaro ah oo ka kala tegay dalalka Qaaradda Afrika.

Dhalinyaradan ayaa qayb ka ah Barnaamijka uu Madaxweyne Obama hindisay ee ay dawladda Maraykanku ugu talo-gashay dhiirrigelinta dhalinyarada hoggaanka Mustaqbalka ee Afrika, kuwaasoo tabobbar iyo aqoon-is-waydaarsi ku qaatay dalka Maraykanka muddo ku siman lix toddobaad oo ay halkaas joogeen, isla markaana laga xulay dhammaan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, kuwaasoo soo xulistooda ay u xilsaaran tahay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanku.

ObamaBarnaamijkan oo uu sannadkii 2010-kii Curiyey Madaxweyne Brack Obama, ka dib markii tiro-koobyadii u dambeeyey ee laga sameeyo dalalka Afrika ay shaaciyeen in boqolkiiba lixdan dadka dalalka Afrika ay yihiin dhalinyarado da’doodu ka hoosayso 35 jir, sidaa awgeedna uu go’aansaday hirgelinta Barnaamijka dhiirrigelinta dhalinyarada Afrika, waxaana tan iyo markii Barnaamijkaas la bilaabay ka faa’iidaystay oo tabobbarro farsamo iyo aqoon-korodhsiyo ka helay Maraykanka in ka badan 1200 oo Dhalinyaro ah oo isugu jiray dhalinyaro barnaamijyo mutadawacnimo ka hirgeliyey dalalkooda, kuwo ganacsiyo u gaar ah abuuray iyo kuwo hormuud u ah dhalinyarada ku dhaqan dalalka ay ku nool yihiin, waxaana sannadkan ka qaybgalay 500 oo laga xulay dalalka Afrikada Saxaraha ka hooseeya.

Madaxweyne Obama waxa uga sheekeeyey dhalinyarada uu la kulmay muhiimadda ay dalalkooda u leeyihiin dhalinyaradu haddii ay maskaxda ka shaqaysiiyaan, isagoo xusay inay horumarin karaan dadkooda iyo dalalkooda, haddii aanay ka faa’iidaysan garashada saxanna ay dib u ridi karaan dalkooda iyo dadkoodaba.

“Waxaad go’aamin doontaan oo gacmihiinna ku jira in Afrika aad u horseeddaan sii xoojinta horumarka sannadahan dambe lagu tallaabsaday iyo in dalalkiinnu ay si weyn dib ugu dhacaan, waxa ii muuqata dhammaantiin inay idinka go’an tahay inaad himiladiinna aad gaadhaan, waxaanad awood u leedihiin in taasi aad kaga dhabaysaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama.

Madaxweyne Obama, ayaa kulankaa si faahfaahsan ugaga hadlay ujeeddadiisa iyo yoolka uu higsanayo, waxaanu tusaale u soo qaatay dhalinyaro kulankaas ku sugnaa oo ka kala socday dalalka Ghana, Tanzania, Kenya, Itoobiya iyo dalal kale oo Afrika ah, kuwaasoo uu sheegay inay dhammaantood isu xilqaameen barnaamijyo mutadawacnimo ah oo wax ka beddelay Bulshooyinka ay la nool yihiin ee waddamadooda, kuwaasoo ka dibna ku guulaystay inay fursad u helaan ka qaybgalka Barnaamijkan, isla markaana khibrad iyo aqoon ka korodhsadaan dadka iyo dawladda Maraykanka.

Waxa uu Madaxweyne kulankaas Isniintii kagaga dhawaaqay qodobbo si weyn u soo jiitay Dhalinyarada ka socday dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kaasoo uu sheegay in la beddelay magicii hore ee ay dawladdu ugu yeedhaysay barnaamijkaas, isla markaana loo bixiyey Nelsan Mandela Programe (Barnaamijka Mandela), la kordhiyeyna tirada dhalinyarada sannad kasta ka soo qaybgeli doonta.

Madaxweyne Obama oo sharraxaya waxyaabaha ay ku kordhinayaan Barnaamijkan waxa uu yidhi; “Marka hore annaga oo tixgelinayna Barnaamijkan xiisaha loo qabo iyo tirada xad-dhaafka ah ee soo codsatay waxaannu go’aaminnay in labada sano ee soo socota tirada laga dhigo Kun dhalinyaro ah. Waxa kale oo aannu kordhinaynaa taageerada farsamo iyo ta dhaqaale ee aannu ku taageerayno hoggaanka dhalinyarada Afrika ee ku hawlan tabobbarka iyo wax-tarka bulshadooda.”

Waxa kale oo uu Madaxweynaha Maraykanku sheegay in loo baahan yahay in si gaar ah loo taageero Haweenka Afrika, aqoon ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhiirrigelin badan in la siiyo, kuwaasoo uu xusay inay Ragga uga nugul yihiin caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo wajaha, kagana hooseeyaa dhinaca aqoonta marka la eego dalalka Afrika intooda badan, waxaanu xusay inay dewladdiisu si gaar ah ugu dedaali doonto wax-ka-qabashada arrimahaas.

Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira oo ka tirsan Shanta boqol ee xubnood ee dhalinyarada ah oo Soomaali ah oo ka kala tegay dalalka Jabuuti iyo Waqooyiga Kenya, ayaa u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, waxaanay sheegeen inay heleen muddo lix toddobaad ah oo ay tabobbar iyo aqoon-korodhsi ku qaadanayeen dalka Maraykankan.

Waxaanay Dhalinyaradaasi sheegeen aqoon-korodhsi iyo tobobbarkaas ay ka faa’iideen khibrad iyo kalsooni ay ku horumariyaan dalalkooda hoggaan ahaan dhaqaale ahaan, horumarin ahaan ay ugu faa’iidayn doonaan dalalkooda, dadkooda iyo lafohoodaba, kuna maarayn doonaan mashaariicda waddamada ay dhalinyaradooda metelayaan ee Jabuuti iyo Kenya.

Kulankan dhex-maray Insiintii Madaxweynaha Maraykanka iyo Dhalinyarada Waddamada Afrika ku dhex-maray Washington, ayaa ku soo beegmay maalmo yar ka hor Shir Madaxeed qaban-qaabadiisu socoto oo Madaxweyne Barack Obama iyo Madaxweyneyaasha dalalka Qaaradda Afrika ku dhex-mari doona, sida qorshuhu yahay, isla magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories