HomeNuxurka Kulan Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Xafiiskiisa kula Qaatay Madax ka tirsan Hay'adda...

Nuxurka Kulan Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Xafiiskiisa kula Qaatay Madax ka tirsan Hay’adda Miino-saarka ee HALO TRUST

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Ismaacil Cabdilaahi (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka soo socota hay’adda Miino-saarka ee Hallo Trust oo dalka ka hawl-gasha.

Warsaaxafaadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo lagu faahfaahiyey nuxurka kulanka madaxweyne ku-xigeenku la qaatay masuuliyiinta hay’adda Halo Trust, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminaayey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Miino saarka ee Hello Trust, Mr. Guy Willoughby.

hallo trust_Saylici

Madaxweyne ku xigeenka JSL, oo kulankaasi hadalkooban ka jeediye y ayaa ku soo dhaweeyey weftiga socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland waxaanu uga mahadceliyey dedaalka ay Hay’adda Hello Trust ugu jirto la tacaalida iyo miino saarka waxaanu ku baraarujiyey inay sii kordhiyaan oo ay sii laban-laaban dedaalka ay ugu jiraan miino ka saarida deegaanada kala duwan ee Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay weli jirto baahidii miino saarku isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la sii xoojiyo hawlaha miino baadhka si ay taasi meesha uga saarto dhibaatada iyo waxyeelada ay miinadu ku hayso dadka iyo xoolahaba.

Waxa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Miino saarka ee Hello Trust, Mr. Guy Willoughby oo tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay isaga iyo weftigiisuba kulanka qaabilaada ee uu kula yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland xafiiskiisa iyo sidii loogu soo dhaweeyey dalkaba.

hallo trust_Saylici (1)

Waxaanu tilmaamay agaasimaha guud ee Hay’adda Miino saarka Hello Trust, is bedelka baaxda leh ee ka muuqda Somaliland, marka la eego dhinacyada Amniga iyo horumarka (booqashadaydii ugu danbaysay ee aan ku imid Somaliland waxay ahayd 5 sanno ka hor, maanta waxa iiga muuqda isbedel la taaban karo oo dhinacyada dhismaha, Amniga iyo horumarka.

Waxaanu sheegay in hay’adda hello Trust si ay taasi u sii dhiiri geliso ay ka qaadan doonaan kaalintooda wax ku oolka ah, waxaanu balan qaaday inay sii kordhin doonaan hawsha ay ka hayaan Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay in hay’dadoodu oo ay Somaliland ka shaqaynaysay tan iyo 1999-kii ay ha hawl-galaan 600 oo miine-baadhe ahi, imikana ay ku talo jiraan inay sii kordhiyaan,

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories