HomeNuxurka Kulan Hargeysa ku Dhexmaray Xisbiyada Somaliland iyo Wakiillo ka socda Beesha...

Nuxurka Kulan Hargeysa ku Dhexmaray Xisbiyada Somaliland iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka sare ee Xisbiyada Somaliland iyo wakiillo ka socda beesha Caalamka ee taageera Doorashooyinka dalka, ayaa maanta kulan ballaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysa, waxaanay dhinacyadu ka wada-hadleen tabaabushaha iyo hannaanka qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.

Kulanka oo ku qabsoomay xarunta Guddiga Doorashooyinka, waxa ka qayb-galay madaxda sare ee Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Waddani iyo 9 xubnood oo ka tirsan Wakiillada Beesha Caalamka ee taagera Dimuqraadiyadda Somaliland.

blankKulanka ayaa la sheegay in lagu faaqiday sidii go’aamiyeyaasha siyaasadda Somaliland oo xisbiyadu ugu horreeyaan ay Dadka laga tirada badan yahay, haweenka iyo dhallinyarada uga qayb-galin lahaayeen doorashooyinka soo socda.

Markii kualnku soo dhammaaday, waxa qodobbadii shirka lagaga hadlay saxaafadda la wadaagay Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sheegay in xubnaha meesha caalamka ee ay shirka la qaateen ahaayeen wakiillo ka socda Safaaradaha dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Netherlands, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.

“Waxaanu kulankan si qoto dheer ugu lafo-gurnay Hannaanka qabsoomidda Doorashooyinka isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada iyo sidii loo dardargelin lahaa,” sidaas ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo aanu kaga arrinsannay sidii Dhallinyarada iyo Haweenka looga qaybgelin lahaa Doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda Siyaasadda ee Beelaha la hayb sooco”.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories