HomeNuxurka Kulan Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Doorashooyinka ka...

Nuxurka Kulan Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Doorashooyinka ka caawiya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud iyo xubno ka mid ah golihiisa Wasiirrada ayaa maanta la kulmay wefti ka socda safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi isla markaana ka tirsan Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka.

blankWeftigan oo uu hoggaaminayey u qayb-sanaha Somaliland iyo Somalia ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay Nairobi Mr Douglas Meurs, waxa ay socdaalkooda ku sababeeyeen mid ay xogogaal ugu noqonayaan heerka diyaar-garowga doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

blankWaxa sidaas lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Daahir ‘Cukuse’ kaas oo u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Gelinkii hore xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka kooban 6 Xubnood oo uu hogaaminaayo ku xigeenka u qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Safaarada Nairobi ee Dalka Maraykanka, Mr. Douglas Meurs, kana socda Guddiga Deeq bixiyeyaasha ee Arrimaha Doorashooyinka ka caawiya Jamhuuriyada Somaliland.

Weftigan ayaa u jeedada Socdaalkooda ku sheegay inay tahay xogogaal u noqoshada iyo u kuur gelida halka ay marayso diyaar garowga Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubnaha wasiirada ee shirka kala qayb galay, ayaa weftiga warbixin mugleh ka siiyey halka ay marayso hawshaasi waxaanay u sheegeen in ay dhinaca Dawlada Somaliland ka dhamaatay, marka la eego Gudigii Diwaan gelinta oo soo gebegabeeyey kala saaridii Ururada.

Xukuumada oo Dhinaceeda Diyaarisay dhaqaalihii Saami ahaan ku soo hagaagay ee ku bixi lahaa Doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo xitaa shuruucdii looga baahnaa oo iyana dhinaca Baarlamaanka ka dhamaatay.

Waxaana imika hawshaa gacanta ku haya Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo iyagu xaq u leh inay cayimaan mudada Doorashada inay mudeeyaan, marka ay suurto gal u tahay inay Doorashada qabtaan”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories