HomeNuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Waxbarashada Iyo Maamuleyaasha Dugsiyada Gaarka Ah

Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Waxbarashada Iyo Maamuleyaasha Dugsiyada Gaarka Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLP)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta Pro. Faarax Cilmi Geedoole ayaa kulan la yeeshay maamuleyaasha dugsiyada gaarka ah ee magaalada Hargeysa.

Kulankan ayay wasiirka iyo maamuleyaasha dugsiyada gaarka ahi kaga wada hadleen, isla markaana loo tayayn lahaa waxbarashada ardayda.

Waxaana kulankaas sidoo kale lagu naaqishay sidii wax looga qaban lahaa ardayda samaysay inay ka boodaan fasallada qaarkood.

Agaasimaha waaxda waxbarashada gaarka ah ee wasaaraddaas Muuse Axmed Shide ayaa ka warbixiyay doorka ay dalka ku leeyihiin dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaanu yidhi. “Dugsiyada gaarka ah, hadday yihiin kuwa sare iyo kuwa hooseba doorka ay ka qaataan waxbarashada Somaliland waxay waxta u tahay waddanka, muwaadinka dhabta ahina waxa uu u hiiliyaa dadka.”

Guddoomiyeyaasha bariga iyo galbeedka caasimadda Hargeysa ee dhinaca waxbarashada ayaa ku booriyay dugsiyada gaarka ahina inaanay dhiirigelin ardayda ka boodda fasallada, waxaanay intaas ay ku dareen inay wasaaradda u soo gudbiyaan ardayda dhamaysata fasalka siddeedaad imitixaankooda, si ay ula socdaan ardayda ka boodda fasallada qaarkood.

Dhinaca kale, waxa iyaguna kulankaas ka hadlay qaar ka mid ah maamuleyaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay, waxaanay sheegeen inay soo dhaweynayaan kulamada noocan oo kale ah, waxaanay xuseen inay la shaqeynayaan wasaaradda, isla markaana ay fulin doonaan wixii amar ah ee kasoo baxa wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa sheegay in dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahi ay isku mid yihiin, waxaanu tilmaamay in wasaaraddu ay tallaabo ka qaadi doonto dugsiyada isku daya inay ardayda fasalada qaarkood ka boodsiiyaan, waxaanu sheegay inuu soo dhaweynayo tayada waxbarasho ee dugsiyada gaarka ah, waxaanu yidhi. “Aniga kolay iima kala duwanna dugsiyada gaarka ah iyo kuwa dawliga ahi, waayo dhamaanteen waxaynu fulinaynaa waxa weeye ubadka waxbarashadiisii, waxaan aaminsanahay hadduu dugsigu gaar yahay iyo haddii uu dawli yahayba wasaaradda ayuu ka tirsan yahay.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories