HomeNuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo Wasiirka Afrika U Qaabilsan...

Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo Wasiirka Afrika U Qaabilsan Dawladda Ingiriiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay isla markaana ay kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo socdaal shaqo ku jooga Ingiriiska.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland, ayaa lagu sheegay nuxurka kulanka dhexmaray labada wasiir kaas u dhignaa sidan:

Birtian_Somaliland“Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu fursad u helay oo uu Wasiirka dawladda Britain u qaabilsan Afrika Mr Mark Simmonds, warbixin dheer ka siiyay doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee 28-kii bishii November ee la soo dhaafay ka qabsoomay dalka, taasi oo uu tilmaamay in qaranka Somaliland ku muujiyay sii xoojinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu uga mahad celiyay dawladda Britain kaalintii dhaqaale ee ay ka geysteen doorashooyinka Somaliland.

Waxa kale oo uu Wasiirka Khaarajiga Somaliland ku ammaanay dawladda Britain dhaqaalaha ay ku bixiso sidii loo sii xoojin lahaa dhinacyadda ammaanka iyo doorashooyinka.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay dawladda Britain-na uga mahad celiyay siday u fududaynayso jawiga ay ku wada hadlayaan labada dal ee Somaliland Iyo Soomaaliya, waxaanu xusay inay Somaliland diyaar u tahay inay la sii wado wada hadaladii labadaas dal dawladda Madaxweyne Xasan-ka Soomaaliya oo imika uun dhisay dawladiisii.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu dawladda Britain u cadeeyay inay Somaliland Sii wadayso la dagaalanka Budhcad badeedda iyo argagixisadda Geeska Afrika.

Wasiirka Afrika ee dawladda Ingiriiska Mr. Simmonds, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladiisu sii wadayso taageeradda kala duwan ee ay Somaliland kaga saacido dhinaca horumarinta.

Mr. Simmonds, waxa uu sheegay inay dawladda Britain ku faraxsan tahay inay fududayso wada hadalka u dhaxeeya Somaliland Iyo Soomaaliya.

waxa lagu sheegay in labada Wasiir ay kaga wada hadleen kulankaasi sidii kor loogu qaadi lahaa in Ingiriisku maal-gashu ku sameeyo wadanka Somaliland.

Ugu dambayn waxa Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ku marti-qaaday Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain inuu socdaal rasmi ah ku yimaado Somaliland si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda guud ee Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories