HomeNuxurka Kulan Dhexmaray Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland iyo Maamullada degmada Ceerigaabo iyo...

Nuxurka Kulan Dhexmaray Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland iyo Maamullada degmada Ceerigaabo iyo Gobolka Sanaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Axmed Sawaaxili, ayaa maanta kulamo la qaatay Masuuliyiinta u saraysa Maamullada Gobolka Sanaag iyo kan Degmada Ceerigaabo.

blankKulanka oo ku qabsoomay Xafiiska badhasaabka gobolka, waxa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Axmed Sawaaxili, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Cali (Tiimbaro) iyo Maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wadajir looga wadashaqayn lahaa in magaalada Ceerigaabo yeelato loona yagleelo Ciidan Dabdemis oo tayaysan isla markaana ka hawlgali kara Gurmad kasta oo yimaada.

Badhasaabka gobolka Sanaag iyo Duqa Degmada Ceerigaabo oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay una bogaadiyay waxqabadka Ciidanka Dab-demiska, waxaanay tilmaameen baahida ay Ceerigaabo u qabto Ciidan Dab-demis, iyagoo xusay tiro dab ah oo ka dhacay magaladaas taasoo ay adkaatay maarayntoodu.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa ballanqaaday waxkasta oo looga baahdo inay diyaar u yihiin talo, tusaale iyo sidii loo samayan lahaa Ciidan Dab-demis oo dhankastaba ka dhisan.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ayaa isaguna dhankiisa uga mahadnaqay masuuliyiinta Gobolka iyo Degmadaba sida ay diyaarka ugu yihiin in Ceerigaabo loo sameeyo ciidan Dab-demis, waxaanu warbixin ka siiyay masuuliyiinta aasaaskii Dabdemiska iyo halka uu maanta marayo iyo waxyaabaha laga doonayo in laga wada shaqeeyo.

Dhanka kale wuxuu taliyuhu tilmaamay in ay ka go’antahay in Ceerigaabo loo sameeyo Ciidan cudud ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan.

Ugu dambayn waxaa laysla qaatay in si wada jira looga shaqeeyo diyaarinta xubnaha loo tababarayo inay noqdaan Ciidanka Dab-demiska Degmada, intaa kadibna la gudagalo hawlaha kale ee muhiimka ah ee ku saabsan aasaaska Ciidanka ee magaaladaas.

 

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories