HomeNuxurka kulan Dhex maray madaxweyne Siilaanyo iyo Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay u...

Nuxurka kulan Dhex maray madaxweyne Siilaanyo iyo Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. Augustine Mahiga oo shalay safar shaqo ku yimi Somaliland.

Madaxweynaha iyo Ergayga waxay kulankooda kaga wada-hadleen Arrimaha mandaqadda Geeska, gaar ahaan dhinaca nabad-gelyada.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Cabdilaahi Daahir ayaa u dhignaa sidan:

blank“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Wakiilka gaarka    ah  ee Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya,  Mr, Augustine Mahiga oo booqasho laba meelmood ah ku yimid dalka.

Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu iman-jiray Jamhuuriyadda Somaliland  waxa uu Madaxweynuhu kaga warbixiyey kulankan Arrimo la xidhiidha nabad-gelyada iyo taageerada ay xukuumadiisu ka doonayso beesha caalamka inay ka taageerto adkaynta iyo kobcinta hawlaha nabad-gelyo ee dalka ka socda iyadoo la tixgelinayo khataraha, xasilooni daradu keento ee ka jira mandaqada geeska afrika.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka waramay hawlaha fidinta Dimu-quraadiyadda ee Dalka ka socda iyo Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacaan sanadkan.

Waxaanu si gaar ah madaxweynuhu tilmaamay in kala saaridii ururada siyaasada ay imika u gudbeen mar xaladii ugu danbaysay oo ah inay ka qayb galaan doorashada golayaasha deegaanka oo ay u soo baxeen 6 urur oo cusub iyo 3dii xisbi qaran ee hore u jiray.

Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramadada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa isna ku dheeraaday sida ay beesha caalamka iyo xog-hayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaaba ay ugu faraxsan yihiin guulaha wax ku oolka ah ee ay Somaliland ka soo hoysay dhinacyada nabad-gelyada, Dimuquraadiyadda, dawlad wanaaga, la dagaalanka Budhcad badeeda iyo wax ka qabashada nabad-gelyo darada ka aloosan geeska afrika.

Waxaanu ka waramay sida ay beesha caalamku diyaarka ugu tahay inay laban-laabto wada shaqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso Somaliland oo caalamku u arko inay tusaale wanaagsan u noqon karto Geeska afrika

Ugu dambayntii waxa uu tilmaamay muhiimada uu leeyahay shirka ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, horaanta bisha June ee sanadkan, isagoo ku dhiiri geliyey inay Somaliland ka qayb gasho shirkaas, oo ah mid waxku ool ah.”

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka uu ergayga qaramada midoobay ku yimi Somaliland ayaa loo malaynayaa inay xidhiidh la leeladahay inuu Somaliland ku qanciyo aqbalaadda wada-hadallada Somaliland oo xukuumadda todobaadkii hore ku gacan-saydhay ka dib markii ergooyinka Somalia lagu soo daray xubno deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland balse xilal ka haya maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Haseyeeshee, Mr. Mahiga, markii uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa Shalay ka soo degay, waxa uu war-fidiyeennada u sheegay inaanu u socon dhex-dhexaadin ku saabsan wada-hadallada Somaliland iyo Somalia, in kasta oo uu sheegay in hawlaha wada-hadallada labada dhinac ay ku shaqo leeyihiin beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay isla markaana aanay ahayn go’aan ka-gaadhisteedu mid khusaysa labada dhinac ee wada-hadalladu dhex marayaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories