HomeNuxurka Kulan Dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka

Nuxurka Kulan Dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhanka Horumarinta Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka.

Weftigan oo ka kooban 5 xubnood waxay madaxweynaha intii kulankoodu socday ka wada hadleen geeddi-socodka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka golaha deegaanka, waxay caddeeyeen inay u diyaar-yihiin sidii ay u dhammaystiri lahaayeen kaalintooda kaalmada ay ka gaysanaan qabsoomidda doorashooyinka wakhtiga dhow iyo kuwa wakhtiga fogba.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madax-tooyada oo ka warramaya natiijada iyo nuxurka kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Weftiga Qaadhaan-bixiyeyaasha ayaa u dhignaa sidan:

 “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera horumarinta hanaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka.

Xubnaha weftigan oo ka kooban 5 xubnood, isla-markaana uu hogaaminayo Mr. Ole Thonke

Waxa ay Madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay xoggogaal u noqoshada halka ay marayso hawsha doorashada goleyaasha deegaanada iyo doorashooyinka kale ee ka dambeeyaba. Isla-markaana waxa ay sheegeen inay dhinacooda diyaar u yihiin inta ay kaga beegan yihiin hawshaas farsamo ahaan iyo dhaqaaleba.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa isna uga waramay inay Somaliland si  wanaagsan uga hirgashay hanaanka dimuqraadiyadu, isla-markaana waxa uu uga mahadnaqay qaadhaan-bixiyeyaasha kaalinta wax ku Oolka ah ee ay ku leeyihiin guusha ay Somaliland ka gaadhay dimuqraadiyada.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga uga waramay in hawsha doorashada goleyaasha deegaanku ay meel wanaagsan marayso xukuumad ahaana intii ku xidhnayd wax badan uu fuliyay sida furashada ururada siyaasada iyo magacaabidda guddida diwaangelinta iyo kala saaridda xisbiyada.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin qabashada doorashada, isla markaana ay tix-gelinayaan talada dhinacyada ay khusayso oo dhan.”

Cabdillaahi Maxamed Daahir  (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories