HomeNuxurka Kulan Ay Wada Yeesheen Weftigii Uu Hogaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE...

Nuxurka Kulan Ay Wada Yeesheen Weftigii Uu Hogaaminayay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Waxgaradka Reer Laascaanood

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

KulmiyeLaascaanood, (SLP)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa kulan ballaadhan kula yeeshay Huteelka Xamdi ee magaaladda Laascaanood madaxdhaqameedka iyo wax-garada gobolka Sool, waxaanu kala hadlay inay dawladooda iyo dalkooda Somaliland wax la qabsadaan.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dooday in gooni isu taaga Somaliland aannu ahayn mid iyaga ka yimi, balse ay tahay sharci ay jideeyeen xeerka midawga Afrika, ka qaramada Midoobay iyo qawaaniinta Caalamiga ah oo dhigaya in dalalka Africa ay ka dhasheen  xuduudihii gumaystuhu ka tagay. 

“Waxa aan idiinka mahad celinayaa sida fiican ee aad noogu soo dhaweyseen Magaaladda Laascaanood, waxaanay ahayd runtii mid aanu filaynay haddii aanu nahay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE,” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in xeerarka u yaalla midowga Afrika uu kala gooyay Soomaaliya.“Siyaasiyiinta iyo garaadada beelaha Dhulbahante ka soo jeedaa marka aanu is arragno waxa ay nagula doodaan in aanu Soomaaliya kala goynayno, laakiin waxa aan taas ka leeyahay annagu Soomaaliya ma kala goynayno ee waxa kala gooyay xeerkii AU Iyo UN-ka , sannadkii 1960-kii laba dawladood oo isu tagay baynu ahayne dal ay qabsadeen maynaan ahayn, dal hore uga mid ahaan jirayna maynaan ahayn, laakiin Soomaaliya iyo Somaliland ayaynu kala ahayn, markaa dalkii aynu isu tagnay wuu dumay. Aqalku haddii uu dumo dib ayaa loo dhisaa, haddii uu dhismihii hore ku noqon karana waa halkeeda, haddii kalena qaab kale ayaa loo dhisaa,”ayuu ku dooday Guddoomiyaha KULMIYE.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu intaa ku daray “Dawladii Soomaaliya way duntay, haddaba Garaadada iyo siyaasiyiinta beesha Dhulbahante ma waxa ay doonayaan in meeshaas gubanaysa aynu Somaliland-na ku darno Annagu waxa aanu leenahay maya ee aynu dhisanno Somaliland oo aynu qaranimadeenana soo celino, kuwaana aynu caawino, marka ay dhibta ka baxaan ee aynu iyagana caawino, haddii ay Soomaaliya wada hadlayso waa halkeeda, laakiin aan noqonno laba dawladood oo siman sidii aynu ahaan jirnay”

“Qoddobka labaad waxa ay ku doodaan waxa aad doonaysaan dawlad Isaaq oo keliyi uu ka taliyo oo Harti Minority ka yahay, taasna waxa aan ka leeyahay, ninka Harti Marnaba Minority noqon maayo, haddii aad qabtaan in marka xadka la soo xidho la idin kaga tiro badanaayo, sharci kasta oo aynu xaqeenna ku kala qaadan karno waynu sixi karnaa oo dastuurka innaga ayaa qorana, y mana aha kitaab Munasil ah, laakiin marka hore ama meeshaas gubanaysa igula dhaca ama kuu iman maayo ima qabato.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories