HomeNuxurka Kulan arrimo xaasaasi ah lagaga hadlay oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo...

Nuxurka Kulan arrimo xaasaasi ah lagaga hadlay oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Raysalwasaaraha Itoobiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxaanay labada hoggaamiye ka wada-hadleen arrimo khuseeya danaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka dhexeeya labada waddan.

siilannyo-1Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, madaxweyne Siilaanyo iy wefti uu hoggaaminayo oo maalintii dorraad safar ugu kicitay dalkaasi Itoobiya, waxa ay madaxweyne Siilaanyo iyo Raysalwasaare Desalegn ka wada-hadleen qorsheyaal ku saabsan dekedda Berbera iyo tayaynta Jidadka isku xidha labada waddan.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war-qabadka ee Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa 29. 10.2016 kulan la qaatay Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka qotada dheer leh ee u dhexeeya labada dal iyo arrimo Khuseeya danaha labada dal. Labada hoggaamiye waxay kulankan is weydaarsadeen aragti iyo aaraah la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa loona wanaajin lahaa iskaashiga xagga Ganacsiga, Maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxa kale oo ay ka wada hadleen tayaynta iyo dar-dargelinta jidadka labada dal isu xidha iyo weliba horumarinta iyo casriyeynta Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, arrintanina ay labada dalba faa’ido ugu jirto; gaar ahaan dalka Itoobiya oo ay ka go’an tahay in Dekeda Berbera ay uga faa’iidaysato horumarinta iyo koboca dhaqaaleheeda iyo Xidhiidhka Ganacsi ee ay Ethiopia la leedahay Caalamka.

Sidoo kale labada hoggaamiye waxa kale oo ay isu waafaqeen ka wada shaqaynta arrimaha Amniga iyo xasiloonida labada dal iyo la dagaallanka kooxaha arga-gaxisada ah ee mandaqda ka wada nabadgelyo darrada,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr).

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories