HomeNuxurka Kulamo Wasiirka Duulista Hawada Somaliland la qaatay Wasiirka Dalxiiska Itoobiya iyo...

Nuxurka Kulamo Wasiirka Duulista Hawada Somaliland la qaatay Wasiirka Dalxiiska Itoobiya iyo Shirkadaha Diyaaradaha Ethiopian Airlines

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa magaalada Addis Ababa oo uu socdaal shaqo ku joogo kulamo kula yeeshay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Itoobiya Amin Cabdiqaadir iyo masuuliyiinta shirkadda diyaaraha ee Ethiopian Airlines.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo saxaafadda ee Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, waxa Wasiir Maxamuud Xaashi kala hadlay wasiirka Itoobiya muhiimada uu leeyahay dalxiiska Somaliland iyo kaalinta uga bannaan Itoobiya.

Ethio_Som (3)War-saxaafadeedka lagu faahfaahiyey nuxurka wada-hadallada wasiirrada iyo masuuliyiinta shirkadda diyaaraha, waxa uu u qornaa sidan; “Wasiirka Duulista oo ka wakiil ah xukuumadda Somaliland ayaa Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Itoobiya Amin Cabdiqaadir u bandhigay sida Somaliland ay ugu habboon tahay dalxiiska, isla markaana ay xeebaheedu u yihiin kuwo nabad ah, jawi wanaagsan oo nadiif ah.

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu Wasiirka Dalxiiska Ibtoobiya Mr. Amin Abdikadir ku dhiirigalinayey inay labada dawladood bilaabaan dariiq dalxiis oo dadka Itoobiyaanka ahna loo fududeeyo inay yimaaddaan xeebaha Somaliland, Kalluunka Somaliland loo iiib geeyo Itoobiya, taas oo geesta kalena Somaliland u soo hoyn doonta faa’iido dhaqaale.

Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska dawladda Fadaraalka Itoobiya Amin Abdiqaadir oo kulankaasi ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyey qorshaha Somaliland ee ku aaddan dalxiiska xeebta Berbera, isagoo sheegay inay jid dalxiis oo labada dal ay yeesheen sare u qaadayso is dhexgalka labada bulsho, xoojinaysa xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ethio_Som (2)Dhinaca kalena, Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska dawladda Fadaraalka Itoobiya Amin Cabdiqadir waxa uu isla xalay ku martiqaaday Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi shir weyn oo caalamiya oo lagaga hadlayey Dalxiiska iyo Dhaqanka Itoobiya.

Shirkaasi waxa goob-joog ka ahaa Wasiiru-dawlaha Dhaqanka iyo Dalxiiska dawladda Itoobiya Tadase Heile, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ambassador Dina Mufti iyo Maareeyaha Hay’adda Dalxiiska Itoobiya Solomon Tadase.

Geesta kale, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa kulan la yeeshay Maareeyaha guud ee shirkadda Ethiopian Airlines Mr. Tewolde Gebremariam iyo madaxa waaxda ganacsiga Abuser Awel, iyagoo ka wadahadlay sidii ay shirkaddaasi u ballaadhin lahayd duulimaadyada ay ku timaado Somaliland.

Ethio_Som (1)Wasiirka iyo madaxda Ethiopian Airlines waxay ku heshiiyeen in dhawaan la bilaabo duulimaadyo ay shirkaddu ku tagayso madaarka magaalada xeebta ah ee Berbera iyo in la kordhiyo tirada duulimaadyada ay ku timaaddo madaarka Cigaal ee Caasimada Somaliland.

Madaxda sare ee shirkadda Ethiopian Airlines ayaa u ballanqaaday Wasiirka Duulista Somaliland inay shaqaalaha Wasaaradda siin doonaan tababar lagu kobcinayo aqoontooda.

Waxa kale oo Wasiirka iyo madaxda sare ee Ethiopian Airlines ku heshiiyey in dhawaan magaalada Addis Ababa lagu qabto carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigi doono dalxiiska xeebta Berbera iyo Kalluunka badaha Somaliland, iyadoo arrintaasi ka wadashaqayn doonaa dhammaan hay’adaha ay khusayso ee dhinacdada Somaliland iyo Itoobiya.

Dhinaca dawladda Somaliland Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kulamadaasi ku wehelinayey ku-simaha safiirka Somaliland ee Itoobiya Ambassador Ayaanle Salaad,” sidas ayaa lagu soo ururiyey war-saxaafadeedkaasi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories