HomeNuxurka Khudbad uu Madaxweynuhu Ka Jeediyay Xuska Aasaaska Ciidamada Booliska Somaliland

Nuxurka Khudbad uu Madaxweynuhu Ka Jeediyay Xuska Aasaaska Ciidamada Booliska Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa(SLpost)-Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Xuska Sannad Guurada 22aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

Xuskan ayaa sanad walba lagu qabtaa xarunta Taliska guud ee Ciidamada Booliska Somaliland.

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay waxa uu ugu horayn hambalyeeyay ciidamada Booliska JSL, islamarkaana ku ammaanay shaqada ay qaranka u hayaan.  Waxa kale oo uu ka hadlay in ilaalinta nabaddu ay tahay waajib qaran oo aan cidna looga habranayn.  Waxa hadaladii madaxweynaha ka mid ahaa “Farxad weyn bayn ii tahay inaan maanta kasoo qeyb galo Munaasibada Sannad guurada 22aad ee aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, ciidanka booliska somaliland waa waxay ku fadhido nabadgelyada dalka iyo dadku uu ku faano.
waxaan mahad weyn u celinayaa Ciidankaa heerkastuu yahay Dadka hadii aan la kala celin oo la ilaalin oo shariciga la ilaalin oo cid ilaalisa loo samayn wax badan baa laysku qabsanayaa wax badan baa inaga fakanaya,.
Dal Dimuqraadi ah baynu nahay dad wada jira baynu nahay Siyaasada waa layskaga hor imanayaa, danaa la kala leeyahay qaab kala duwan baa wax loo arkaa laakiin farsamo iyo cilmi iyo aqoon iyo nidaam baa lagu kala baxaa wixii nidaamkaa ka baxsan ee nabadgelyada wax yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto Booliskuna wuxuu u samaysan yahay inuu nabad gelyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee”.

Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ” markaa waxaan leeyaahay dadka qaarkood waa laysku qabsanaya waa layska hor imanayaa laakiin cidna ka yeeli mayno cidna laga aqbali maayo intaynu ciidankeenaa booliska iyo ciidamada kale nabad gelyada ilaaliya aynu haysano in cidina wax yeesho oo ummaddaa iyo dadkaa nabadgelyada iyo xasiloonida haysta ay ku cayaarto nabadgelyadaa iyo xasiloonidaa aynu leenahay.
waxaan leeyahay aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa ciidamada booliska madaxdiisa, masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba sida fiican ee qaranimada leh ee hawshaa, xilkaa loo igmaday ay u ilaaliyaan, waxaan leeyahay hanbalyo aad iyo aad u balaadhan baan usoo jeedinayaa Ciidanka Booliska, Ubadkooda iyo Xaasaskoodaba aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin”.

 

Halkan ka Daalaco Khudbadda Madaxweynaha oo Muuqaal ah:

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories