HomeNuxurka Khudbad Miisaanleh oo Madaxweyne Siilaanyo Xuska Sannad-guurada 24aad Ee CIIDANKA BOOLISKA...

Nuxurka Khudbad Miisaanleh oo Madaxweyne Siilaanyo Xuska Sannad-guurada 24aad Ee CIIDANKA BOOLISKA SOMALILAND (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Madaxweynaha Oo Ka Qayb-galay Sannad Guurada 24-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska Somaliland, Una Jeediyey Khudbad Taariikh ah, Kuna Hambalyeeyey Xuska Sanad 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta ka qaybgalay sanad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Booliska Somaliland, isagoo madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme dabaqa oo markii u horaysay ay yeesheen ciidanka booliska Somaliland, kaasi oo noqon doona xarunta guud ee looga arrimiyo ciidama booliska.

IMG_1000Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay dhismahaasi iyo gaadiid tiro badan oo aad u qalabaysan oo ay ciidamadu yeesheen markii u horaysay 24 kaa sanno, munaasibadaasi oo ahayd mid qiimo gaara u leh qaranka iyo madaxweynahaba, waxa khudbado ka jeediyey hoggaanka hawl-gelinta Ciidanka Booliska Somaliland, Gashaanle sare Cabdiqani Ciise Maygaag (Geney) oo isagu ka hadlay kiisaskii sanadkan 2017, isbarbar dhigna ku sameeyey 2016-2017, taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna ka hadlay waxqabadka u soo kordhay booliska intii uu gacanta ku hayey, Wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlay arrimaha nabadgelyada iyo dedaalada ciidanka booliska.

IMG_3289Waxaana munaasibadaasi soo xidhay oo khudbad ka jeediyey madashaasi madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi:-

“Taliyaha Guud eeCiidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taliye Ku-xigeenka, Saraakiisha iyo dhammaan Ciidan weynaha Booliska, Xubnaha Xukuumadda iyo Marti Sharafta kale,

Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay, in aan maanta ka soo qayb galo, munaasibadda Xuska Sannad Guurada 24aad, ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Madashan qiimaha badan, waxaan jecelahay, in aan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan hawada u mariyo, dhammaan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan uga mahad-celinayaa Ciidanka Booliska iyo dhammaan Ciidammada kale ee Qaranka, sida hagar la’aanta ah ee ay u guteen waajibaadkooda shaqo, muddadii toddobada sanno ahayd, ee aan dalka hoggaaminayey.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Dalkeenu wuxuu ku yaallaa Gobol, ay colaadaha iyo xasaraduhu ku badan yihiin. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah, in aynu sii xoojinno amniga iyo xasiloonida Qarankeena. Waxa Eebe mahaddii ah, in Nabadda iyo Degenaanshaha, uu dalkeenu maanta ku naaloonayo, ay tahay mid ku timid dedaalka iyo kartida Xukuumadda Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in maanta aynu hirgelinay nidaam wacan, oo lagu sii dhisi karo, laguna sii horumarin karo Tayada, Xirfadda iyo Aqoonta Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa xusid mudan, bilicda iyo quruxda derajooyinka garbihiinna ka muuqdaa, in ay ka mid-yihiin dedaallada iyo wax-qabadka Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ay hir-gelisay. Derajooyinkaasi, waxay kaalin weyn ka qaateen maamuuska, habyadda iyo kala dembaynta ciidammada dalka. Dhinaca kale, waxaan kula dardaarmi doonaa Madaxweynaha aan xilka ku wareejin doono, in uu halkaa ka sii wado daryeelka, horumarinta iyo tayeynta Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaynu ku jirnaa gebagabadii, iyo maalmihii ugu dambeeyey, ee Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, taasoo talada dalka haysay laga soo bilaabo 27-kii, bishii 7-aad, sannadkii 2010-kii. Dhinaca kale, haddii RABBI idmo, waxa foodda inagu soo haysa Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, oo qabsoomi doonta 13-ka, bisha 11-aad, ee sannadkan 2017-ka. Sidaa darteed, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ku amaanaya doorka weyn ee ay ka qaateen hab-sami u socodka iyo u diyaar-garowga hawlaha Doorashada Madaxtooyada.

Sidoo kale, waxaan ku kal-soonahay, in aad xil mug leh iska saari doontaan amniga qaranka, gaar ahaan xuduudaha dalka iyo goobaha doorashooyinka. Waxaan Shacbiga Somaliland ugu baaqayaa, in ay is-garab taagaan, isla markaana gacan siiyaan, geesiyaasha  Ciidammada Qaranka, ee habeen iyo maalin heeganka u ah, sugidda nabadgelyada iyo ka hortagga falalka lagu dhaawacayo xasiloonida dalka.

Ugu dambayn, waxaan dhammaan Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland farayaa, in ay heegan buuxa galaan, isla markaana u diyaar garoobaan hawlaha Doorashada Madaxtooyada”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories