HomeNuxurka Khudbad Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Munaasibaddii xalay ee Xuska 18 May

Nuxurka Khudbad Madaxweynaha Somaliland ka jeediyey Munaasibaddii xalay ee Xuska 18 May

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sannad-guurada 30-aad ee kasoo wareegtay maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, ayaa caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

Munaasibaddan qaran oo si weyn loo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka goleyaasha Guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, , xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xildhibaanno, Safiirrada dalalka Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, wufuud caalami ah oo ka socotay dalalka Somaliland saaxiibka la ah, haldoor kala duwan oo bulshada qaybaheeda ah, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

blankUgu horrayn munaasibadda xuska maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May waxa lagu soo bandhigay suugaan iyo masraxiyado kala duwan oo ka turjumaya marxaladihii kala dambeeyey ee ay Jamhuuriyadda Somaliland soo martay muddadii soddonka sannadood ahayd ee ay xorriyaddeeda dib u heshay, muhiimadda iyo qiimaha ay xorriyadda iyo qarannimadu leedahay iyo horumarka ay ku tallaabsatay, kuwaas oo martidii madasha ku sugnayd si weyn maankooda u raadeeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka jeediyey, ayaa si qoto dheer uga hadlay marxaladihii kala dambeeyey ee ay Somaliland soo martay, horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay, waxana uu carrabka ku ballaadhiyey qiimaha ay maalintani ugu fadhido shacabka reer Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waa 18-kii May, sannad-guuradii 30aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbannaanida Qarannimada JSL. Waa maalintii nabadda, bad-baadada, horumarka iyo helista nidaam Dawladeed oo ku dhisan doonista iyo rabitaanka shacabka JSL.”

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay Somaliland xorriyaddeeda kaddib, iskeed isugu tashatay, nabaddeeda iyo horumarkeedana gacanteeda ku dhisatay, iyada oo aanay jirin cid kale oo taageeraysaa, isaga oo ammaanay kaalintii xilkasnimadii ururkii SNM,“Dhammaan shirarkii nabadeynta ee Somaliland iyadaa xoog, xoolo iyo xigmadba isku tashatay, cid ajaanib ahina waxba kuma darsan. Geedi-socodkii nabadeynta beelaha Somaliland waxa saldhig u ahaa talo-wadaag, isu-tanaasul, is-qancin, iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka ciyaarayeen Guurtida iyo Salaadiinta Somaliland oo ay shacabku kalsooni ku qabeen iyo Ururkii SNM oo taladii la wadaagay mudakarkii beelihii aan ka midka ahayn iyo shacabka Somaliland. Taasina waxa ay ka dhigaysaa Ururka SNM mid taariikhda ku gala ururka kaliya ee dal uu u soo halgamay qabsaday, oo taladii la wadaagay dadkiisii. Taas oo keentay is-aamin, kalsooni iyo in laga wada shaqeeyo Qaran dhiska,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Somaliland maanta marayso marxalad horumar iyo Dimuqraaddiyad buuxdaa ka hana qaadday, islamarkaana ay guul weyn ka gaadhay dhammaanba Adeegyada Aas-aaska u ah nolosha Bulshada ee waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, islamarkaana uu hiigsigeedu yahay helitaanka Ictiraaf buuxa oo ay beesha caalamka ka hesho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si adag uga hadlay dulmiga iyo gardarrada lagu hayo shacabka iyo maatida reer Falastiin, isaga oo farriin cad oo geesinimo lehna u diray dawladaha diidmada qayaxan leh, waxana uu yidhi, “Aad iyo aad baan uga xunahay dhibaatooyinka iyo gar-darada lagu hayo shacabka Falastiin. Waxaanu ugu baaqaynaa in la joojiyo colaada iyo dhiiga ku daadanaya Falastiin. Waxaanu u soo jeedinaynaa Dawladaha diidmada qayaxan leh in ay is-hortaagaan gar-darada iyo xasuuqa lagu hayo maatida iyo shacabka Falastiin.”

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu ka digay faro-gelinta iyo carqaladaynta ay maamulka Muqdisho ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu sheegay in haddii aanay colaadintaas ka waantoobin ay keeni doonto Aafo riiq dheeraata oo ku habsata, guud ahaanba shucuubta Soomaalida.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories