HomeNuxurka Khudbad Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyadu ka jeediyey Madal uu Madaxweyne Biixi kaga...

Nuxurka Khudbad Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyadu ka jeediyey Madal uu Madaxweyne Biixi kaga marag-kacay Wax-qabadkooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu yahay madaxweynihii u horeeyey ee dalka ka hirgeliyey Nidaamka Qandaraasyada dowliga ah ee muwaadiniinta dalku si siman ugu tartamaan.

Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen oo khudbad ka jeediyey munaasibad madaxweyne Biixi xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo loo hirgeliyey Guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxa uu Md Muuse Biixi ku ammaanay kor u qaadista tayada shaqo ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo uu ku tilmaamay mid ka tarjumaysa Siyaasaddiisa hoggaamineed.

“Mudane Madaxweyne waxaanu saaka kugu soo dhawaynaynaa daartan quruxda badan, haddaanu nahay guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxaanu kaaga mahad-celinaynaa talada, tusaalaha iyo tusmada aad hadh iyo habeenba nala garab-taagan tahay si aanu u gudanno waajibaadka culus ee Qaranku naga sugayo. Mudane, madaxweyne waxaanu kaaga mahad-celinaynaa Daartan oo aanu qabyo kagala wareegnay guddigii naga horeysay oo aad noo dhammeystirtay,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Mudane madaxweyne waxa sharaf iyo taariikh kuu ah inaad dalka ka hirgelisay taariikhda markii u horeysay nidaamka Qandaraasyada ee daaha-furan, taasina waa mid aad taariikhda ku geli doonto.”

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Guddoomiyuhu ka jeediyey xafladda oo dhammeystiran

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Munaasibadda, waxa uu ammaanay Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo uu wax-qabadkooda majeertay, waxaanu ku bogaadiyey inay halkaa ka sii wadaan hawsha Qaran ee ay hayaan.

“Waxaan u mahad-naqayaa qoladiina boodhka cusub ee labada sanno ee dhadhaw shaqaynayey. Hora magac wanaagsan baad leedihiin, dadka shacabka iyo umadduba ammaan ayay idiin haysaa, in kastoon idhaahdo waa hawshii loo diray, haddana aad baad u nasiib badan tihiin, idinkuna waa dedaasheen, Illaahayna wuu idinka aqbalay mar haddii umaddiinu idinka raalli tahay, anna waan idiin mahad-naqayaa mar haddii hawshii qaranka ee laydiin dhiibay aad si fiican u gudateen,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka jeediyey Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories