HomeNuxurka Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey Shir Hargeysa...

Nuxurka Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey Shir Hargeysa uga Furmay Somaliland iyo Beesha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta Furay, isla markaana Khudbad dheer ka jeediyey Shirweynaha 9-aad ee Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamiga ah, kaasoo muddo laba maalmood ah ka socon doona Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen Wakiillada Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee Somaliland dhinacyada horumarinta iyo dhaqaalaha-ba ka taageera, waxaana halkaas laga jeediyey Khudbado badan oo kala duwan, hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo khudbad uu dhinacyo kala duwan kaga hadlay oo uu Shirkaas ka jeediyey, oo Aftahannews helay Nuqul ka mid ah Qoraalkeeda, ayaannu idiin soo gudbinaynaa, waxaanay u dhignayd sidan:-

????????????????????????????????????

“Ambassadoorro, Wasiiro, Marti-sharaf, Mudaneyaal iyo Marwooyin, soo dhawayn diirran ayaan idiin fidinayaa dhammaantiin xilkaad iska saartaan inaad timaadaan Hargeysa si aad uga qaybgashaan shirka 9aad ee isu-duwidda mucaawimooyinka heerka sare ee Somaliland.

Somaliland haddaan nahay, waan ku qanacsanahay waxa inoo qabsoomay intii aan wadaagnay wax wada qabsigan la magac baxay kaalmadda heerka sare ee Somaliland, anigoo ku rajo weyn in waxa hore inoogu soo qabsoomay innagu dhiirrin doonaan inaan hore halkaa uga sii wadno wax wada qabadkeenna dambe.

Anigoo ku hadlaya magaca dadka iyo dawladda Somaliland, waxan salaan iyo qaddarin kal iyo laab ah u qaddimayaa inta nagala shaqaysa dhinaca horumarinta, sida deeqsinimada lahayd ee ay wax ula soo qabteen Somaliland sanadihii hawlwadaagga la ahaa. Kaalmadiinnu waxay keentay isbeddel muuqda oo ka hanaqaada Somaliland markay noqoto nolosha muwaadiniinta Somaliland, waxanay ahayd mid lagama maarmaan ah dhinaca bulsho iyo dhinaca dhaqaaleba.

Dabcan, sannadkani waa mid gaar ah, marka la’eego Somaliland, Sannadkani wuxu astaan u yahay, sannad guuradii 25aad intii ay Ummadda Somaliland wadatay aayo ka tashigeeda, tuurtay midnimadii dhicisowday ee Soomaaliya, dibna ula soo noqotay madaxbanaanideeda 18 MAY 1991kii.

Somaliland waxay dhaxashay degaan khilaaf iyo dhibaatooyin milateri hagoogeen, iyadoo ay sidaa ahayd, haddana reer Somaliland waxay ka jibbo keeneen dhibaatooyin tiro badan, waxanay abuureen xasillooni iyo nabad adag, iyagoo ku shaqeeyey wadatashi gudohooda ah, oo hoosta laga soo dhisay ilaa korna la geeyey. Waxay dhiseen diimuqraadiyad nabad lagula kala wareego awooda dalka, goobjoogna ka ahaayeen beesha caalamku, laguna meel mariyey maamul wanaag taageero u ah nidaamka dawladnimo ee dastuurka ku dhisan, dhawrista xuquuqda aadamaha, iyo bixinta adeegga bulshada.

Waxan u diyaargarownay hadda doorashooyin kale oo qabsooma maarij 2017, inkastoo abaarihii awgeed aan diiwaangelinta codbixiyayaasha waxoogaa hakinay, haddana diyaargarawga waxa lagu soo celiyey siduu ahaa. Somaliland intii awoodeeda ah way qabatay si doorashada soo socotaa wakhtigeedii ugu qabsoonto, waxyaalaha ay qabatayna waxa ku jira kharash dheeraad ah oo hakintii codbixiyeyaashu sababtay oo ay bixisay, annagoo ku boorrinayna deeqbixiyeyaasha inay dhinacoodana inay ka soo baxaan ballamahoodii ku aaddana caawimada kharashyada diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada sannadka dambe.

Seeska adag ee aan samaynay ee dhinaca nabadda, dibuheshiisiinta, amniga iyo maamul wanaaggu waxay suurta galiyeen jawi habsami iyo wadashaqayn dhaw oo ay yeesheen dawladda, ururada bulshada rayidka ah, iyo inta aan hawlwadaagga nahay ee beesha caalamka in barmaamijyada laga hirgalinayo Somaliland ay noqdaan kuwo midhadhala oo guulaysta.

Wadashyaqaynta meelmarka noqotay ma aha keliya dhinaca mashaariicda horumarinka ee ka hirgalay Somaliland, balse waxay gaadhay dhinacyo kale oo badan, kana mid tahay la dagaallanka argagaxisada, xagjirnimada, iyo budhcadbadeednimada.

Somalilandta maantu way ka duwan tahay tii 1991, Somaliland markii hore iyaduunbaa lafaheeda u tabcanaysay, si ay uga soo kabato wixii ay ka soo dhex baxday ee khilaafku ka mid ahaa, ay ka mid ahayd dibu-heshiisiinta dadkeeda, iyo inay dhisto hay’adaha dawladda oo nabad iyo caddaaladi sal u tahay. Waa dhab oo weli waan ku jirnaa xoojinta iyo adkaynta hay’adahayaga dawladda , haddana waxanu nahay ummad u dhalatay, dhaqana u yahay ganacsigu, soona jeedda oo indhafuran. Waxan soo gaadhnay wakhtigii aanu xoogga saari lahayn mustaqbalkayaga, isla markaana muujin lahayn waxan annaguna ku tarayno mandaqadda ballaadhan.

Dhaqaaluhu kaalin mugleh ayuu ku leeyahay arrintan, waana taasi tan I raalligalinaysaa markaan maqlo casriyeynta lagu samaynayo dekedda Caalamiga ah ee Berbera iyo jidka ganacsi ee Ethiopia iyo Somaliland.

Dhaqaalaha kor u kacayaa waxkama tarayo keliya qaranka jira iyo jid marinta dhismaha nabadda, habsami ugu adeegidda bulshada ee hay’adaha dawladda iyo sharciyeynta hay’adaha dawladda’e, waxa kaloo uu si luxdan wax uga tarayaa dhibaatooyinka shaqo lo’aanta ee la dersay dhalintarada.

Mashaqada shaqo la’aanta dhalinyaraddu ma aha mid haysata Somaliland oo keliya, waxa kale oo ay haysataa qaaradda Afrika oo dhan.

Waxa muuqata in dadku aad u kordhayo, kaasoo halkayagana ka jira, waxanu noqon kara korodh barkhad ama belaayo. Waxanay u baahanahay inaan dhallinyartayada shaqooyin siinno, si aan uga horjoogsanno in loo shaqaalaysto dembiilayaal, kuwo u hubayaan dagaallo ama askarayn iyo inay noqdaan xagjirro.

Somaliland waxay doonaysaa inay iyadu masuul ka noqoto dhismaha aayaheeda dhaqaale, si ay u xaqiijiso inay dhalinyarteeda siiso waxa ay u qalmaan, waxanan ku faraxsanahay inaan arkayo horumarka laga sameeyey dhinaca qorshaha horumarinta qaranka ee 2017-2021 iyo aragtida wakhtiga fog ee Somaliland ee 2030 oo u adeegi doona in inta Somaliland kala shaqeeya horumarintu sidii ay Somaliland xulafo ugala noqon lahaayeen dhinacyada horumarinta ee Somaliland mudanaanta u ah.

Qorshaha horumarinta qaranku (NDP) wuxu xoojinayaa sidii mucaawinada Somaliland ay gooni ugu noqon lahayd, qorshahaasi oo la jaanqaadaya maqaamka gaarka ah ee horumarka dalka.

Iyadoo hadda uu gebegabo yahay qorshaha horumarinta qaranka ee hore, waxa loo baahan yahay kan hadda bilaabmayaana in uu noqdo mid beddel habboon oo horumarleh u noqda kan hore, islamar ahaantaana noqdo mid damaanad qaadaya dal leh hoggaamin fiican oo dadkiisu la xisaabtamaan, iyo weliba mid tayo u leh la shaqeynta Caalamka.

Ereyo kooban haddii aan ka idhaahdo xadhiidhka annaga iyo Soomaaliya. Waxan rabnaa in aanu aragno Soomaaliya xasilloon oo nabadi ka jirto hase ahaatee ma aaminsanin Somaliland oo lagu daro soomaaliya ayaa Soomaaliya ku noqonaysoo mid deggan oo nabadgelyadu u soo noqoto.

Somaliland waxa ka go’an inay ka qaybgaadato xal loo helo soomaaliya, hase ahaatee wax loo baahan yahay in xalkaasi noqdo mid waaqaciya, kana tarjumaya runta jirta oo Somaliland rabitaankeedu ku qotoma. waxay qaadday jid ka duwan kan Soomaaliya, waxanay iskeed u dhisatay dalkeeda dimuqraadiga ah.

Federal Soomaaliya ah oo ay Somaliland ka mid tahay ma jiro, weligeedna ka qaybgali mayso doorasho ka dhacda Soomaaliya. Shacbiga Somaliland waxay doorteen jidka madaxnanaanida muddo haatan gaadhaysa rubuc qarni ama 25 sano, dibna uma laabanayaan, waayo hadday dib u laabtaan macneheedu waxa waaye in la masaxo, lana tirtiro wixii guullo ilaa hadda aan gaadhnay dastuurkayaga iyo nidaamkayaga siyaasadeedna aan dafirno.

Ugu dambayn, waxan fursaddan uga faa’iidaysanayaa mar kale inaan idhaahdo mahadsanidiin deeq bixiyeyaasha kaalmooyinkii ay u fidiyeen Somaliland oo suurto galiyey dadkayaga fursada ay ku horumaraan. Markale waxan deeq bixiyeyaasha uga mahadcelinayaa inay sii wadaan dadaalkooda wax la qabasho ee Somaliland oo ah mid u fiican gobolka Geeska Afrika ee ballaadhan.

Waxan sii wadi doonaa niyadsamida iyo saaxiibtinimada inaga dhaxaysa, taasoo aynu wadaagi doono ilaa musqabalka, innagoo marba marka ka sii danbaysa isku sii dhawaan doona,si loo sii wado Somaliland leh nabadgelyo, dimuqraadiyad iyo Barwaaqo.

Sidoo kale waxan mahadnaq gaara u jeedinayaa gudoomiyaha shirka iyo la gudoomiyeyaasha dedaalka badan ee ay u galeen in shirkani guul ku qabsoomo.”

Waxa kaloo hadalkiisa ku jiray ammaan balaadhan oo uu u soo jeediyey heshiiska dhex maray DP world iyo Somaliland ee ku saabsan horumarinta dekeda Berbera, kaasoo uu ku tilmaamay mid dhaqaalaha kor u qaadi doona shaqo abuur balaadhana laga heli doono.

Shirkan sagaalaad ee mucaawimada heerka sare ee Somaliland waxa kasoo qaybgalay xukuumadda Somaliland oo ay metelayaan hay’adaheedu, iyo dalalka kaalmada siiya Somaliland iyo Qaramada midoobay.

Waxa wada jir u gudoominaya shirka, wasiirka Qorshaynta Qaranka, mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Kira Smith, madax xigeenka Safaarada Denmark ee dalka Kenya, Phil Evans madaxa waaxda horumarinta caalamiga ee dawladda Ingiriiska (DFID) u qaabilsan Somaliland, iyo Peter De Clercq ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee isu-duwida hawlaha binu-aadanimo ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland.

Mr Peter De Clercq oo hadal dheer halkaa ka jeediyey ayaa u mahadnaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shirka furay iyo xukuumadda Somalilandba, gaar ahaan wasiirka wasaaradda Qorshaynta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories