HomeNuxurka Jawaabo Nicholas Kay ka Bixiyey Su’aallo Laga waydiiyey Somaliland

Nuxurka Jawaabo Nicholas Kay ka Bixiyey Su’aallo Laga waydiiyey Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargaysa(SLpost)-Danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Kay, ayaa sheegay in qaramada midoobay xidhiidh wanaagsan la leedahay Somaliland, wuxuuna ka jawaabay su’aalo la waydiiyay.

 

Mr Nicholas Kay oo wariye ka tirsan telefishanka Universal waraysi la yeeshay ayuu Somaliland laba su’aalood ka waydiiyay waxayna ku saabsanaayeen mawqifka qaramada midoobay ee gobolada Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale xidhiidhka Somaliland iyo qaramada midoobay.

Su’aalaha Wariyuhu waydiiyay Mr Nicholas Kay:

Dhawaan waxaad sheegtay in maamul goboleedka kaliya ee dhiman in la dhiso uu yahay in maamul loo sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, markaa ka waran gobolada Sool iyo Sanaag?

 

Mr Kay wuxuu ku jawaabay “Haa, waa run inaan idhi maamul goboleedka kaliya ee dhiman in la dhiso waa maamul ay yeelan doonaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe. Dhinaca gobolada Sool iyo Sanaag, sidaad adiguba ogtahay waa arrin u baahan in xal loo helo. Waxaad ogtahay in dadka ku nool gobolada Sool iyo Sanaag ay ku kala qaybsan yihiin xagga fikirka siyaasadda. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inay ka tirsan yihiin Somaliland, dadka qaar ayaa aaminsan inay ka tirsan yihiin Puntland, halka dadka qaarna aaminsan yihiin inay ka madax bannaan yihiin Somaliland iyo Puntland oo la yidhaahdo Khaatumo State.

Markaa anagoo qaramada midoobay ah waxaanu ku dhiiri galinaynaa Somaliland, Puntland iyo Khaatumo inay hal siyaasadeed u helaan wax walba oo lagu kala fikir duwan yahay oo aanay marnaba noqon mid lagu xalliyo awood ama dagaal,” ayuu yidhi Mr Kay.

 

Mar hore oo aan waraysi kula yeeshay waxaad ii sheegtay in xilli aad diyaarad saarnayd Somaliland warqad kuu soo direen oo ay ku yidhaahdeen dib ha noogu soo noqon. Intii ka dib dhawr jeer baad dib u noqotaye maxaa arrrintaas iska bedelay?

 

Nicholas Kay wuxuu ku jawaabay “ Haa, way jirtay arrintaasi,intii kadib dhawr jeer baa Somaliland I casuumeen, waxaana xusid mudan inaanu mar walba xidhiidh wanaagsan la leenahay Hargeysa, haddii aanu qaramada midoobay nahay, sidaasi darteed masuuliyiinta Somaliland waxay garteen inay muhiim tahay in xidhiidhkaasi sii adkaado oo aanu ka wada shaqayno arrimo badan.”

.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories