HomeNuxurka Heshiis Sagaal Qodob Ka Kooban oo lagu Xaliyey Khilaaf ka dhex-aloosnaa...

Nuxurka Heshiis Sagaal Qodob Ka Kooban oo lagu Xaliyey Khilaaf ka dhex-aloosnaa Garabyada Ururka SOLJA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka cusub ee ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA iyo dhinacii hore uga biyo diiday shirkii ka dhacay Huteelka Ambassador ee lagu doortay hoggaanka cusub ayaa maanta heshiis buuxa ka gaadhay is-maandhaafkii u dhexeeyay.

Heshiiskan oo ka kooban dhowr qodob isla-markaana lagu shaacin doono Xafladda xil-wareejinta oo dhacaysa maalinta berri ah, ayaa dhinacii hore u diidanaa doorashada hoggaanka cusub waxay ku caddeeyeen inay aqoonsan yihiin hoggaanka cusub ee ururka SOLJA.

SOLJA_VHeshiiska dhinacyada SOLJA kala saxeexdeen ayaa waxa uu u dhignaa sidan :-

“Hoggaanka Ururka SOLJA iyo Dhinicii Ka Maqnaa Shirkii Ururka SOLJA waxay isla qaateen Qodobbada Heshiiskani oo lagu soo afjaray khilaafkii ka jiray guud ahaan ururka SOLJA ka dhashay.

  1. In Garabkii shirka Ambassador ka dhacay aan ka soo qayb galin ay qabaleen Hoggaankii lagu soo doortay shirkaasi, si loo ilaaliyo midnimadii iyo wada-jirkii ururka SOLJA.
  2. In Wixii Tababaro, Waxbarasho iyo Furadaha soo baxa loo sinaado.

3.In Hoggaanka cusub ee ururka SOLJA hirgaliyo, dhamaystiro xaruntii ay bilaabeen hoggaankii hore, iyadoo loogu magac darayo Marxuum Maxamedrashiid Muxumed Faarax.,

4.In Hoggaanka Cusub bilaabo dib u heshiisiin buuxda oo la iska saamaxo wax wal oo hore u dhacay, nooc kasta oo uu ahaa.

5.In hoggaanka ururka SOLJA si siman u ilaaliyo, Suxufiyiinta, Warbaahinta Dawliga ah iyo kuwa Madaxbanaan, si waafaqsan Dastuurka Ururka SOLJA iyo Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Lr.27/2004.

6.In Garabka aan shirka ka qayb galin la siiyo Agaasimaha Guud ee Ururka SOLJA, iyadoo la waafajinaya inuu buuxiyo shuruudaha shaqadiisa looga baahan yahay.

7.In Xaflada Xil-wareejinta laga shaaciyo qodobbada heshiiskan.

8.Heshiiskani waxa uu burayaa marka labada dhinac mid ka mid ahi ka baxo qodobbada heshiiska.

9.Heshiiskani waxa uu dhaqan galayaa marka labada dhinac ay wada jir u saxeexaan.

Haddii aanu nahay labada dhinac ee ku midaysan ilaalinta iyo jiritaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland, waxaanu si mug leh u waafaqsanahay qodobbada heshiiska isku soo dhaweynaya wadajirka guud ee SOLJA

Dhinaca koowaad:

1: Maxamed Cabdi Guuleed (Curad),

Gudoomiye Xigeenkii hore Ururka SOLJA

Dhinaca Labaad:

1: Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto),

Gudoomiyaha Ururka SOLJA

Markhaatiyaal:

1: Farxaan Cali Axmed

Gudoomiyaha Horn Cable TV

2: Maxamed Cabdi Ilig

Agaasimaha Guud ee Horn Cable TV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories