HomeNuxurka Heshiis Ka Cadhaysiiyey Reer Galbeedka oo dawladda Jabuuti la gashay...

Nuxurka Heshiis Ka Cadhaysiiyey Reer Galbeedka oo dawladda Jabuuti la gashay Dalka Shiinaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti_ChinaJabuuti (SLpost)- Dawladaha Jabuuti iyo Shiinaha, ayaa kala saxeexday heshiisyo kala duwan oo horumarineed, kuwaasoo ay ka mid yihiin tayeynta iyo tabobaridda Ciidamada Jabuuti, saddex Dekedood oo China ka dhisayo dalkaas iyo dhismaha waddo isku-xidhi doonta Jabuuti iyo Itoobiya.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Djibouti Xasan Daraar Hufane, ayaa sheegay in xidhiidh Millateri ay la yeelanayaan dawladda Shiinaha, ka dib kulamo xidhiidh ah oo Masuuliyiin ka tirsan labada waddan ay ku yeesheen magaalada Jabuuti.

“In badan ayaan u mahad-celinaynaa dawladda Shiinaha waqtiyada adag ee ay nala soo qaateen,waxey naga caawin doonaan kor- u qaadidda mashaariic horumarineed oo dalka laga hirgalinayo  “ayuu yidhi Hufane oo ka hadlayay xiriirka labada dowladood.

Wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha Chang Wanquan ayaa booqasho qaadatay laba maalmood ku joogay dalka Jabuuti, waxaanay kulamo gaar-gaar ah wada qaateen Madaxda dawladda ugu sarreysa oo uu ku jiro  Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

“Dawladdayadu diyaar  ayey u tahay inaan Jabuuti ka taageerno tayaynta dhinaca Milatariga iyo waliba Ammaanka,” sidaa ayuu isna yidhi Chang oo la hadlay Warbaahinta ka dib booqashadiisa, isaga oo xusay in labada dal uu ka dhaxeeyo xidhiidh qota-dheer.

Heshiisyo ay labada dhinac si hor-dhac ah u gaadheen, ayaa waxaa ku jirta in Maraakiibta dawladda Shiinuhu ay adeegsan karaan Dekadaha dalka Jabuuti, iyaga oo fududaynaya tababarro gaar ah oo  ay siinayaan Ciidamada Millateriga Jabuuti.

Sidoo kale, dawladda Shiinaha ayaa saddex Dekadood ka dhisaysa dalka Jabuuti iyo waddo dheer oo isku xidhi doonta Jabuuti iyo waddamada deriska la ah gaar ahaan Itoobiya si kor loogu qaado xidhiidhka ganacsi ee dalkaasi la leeyahya dalalka gobolka Geeska Afrika.

Waddamada Maraykanka iyo Faransiiska oo saldhigyo Milatari ku leh Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ka xumaaday heshiiska ay Dawladda Jabuuti la saxeexay dalweynaha Shiinaha oo ah waddanka Labaad ee ugu dhaqaale badan Adduunka, kaas oo dalalka Reer Galbeedku ku cadaadiyaan Horumarka dhinaca Farsamada Casriga iyo Dhaqaale ee uu sida Xawliga ah ku socda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories