HomeNuxurka Heshiis Muhiimad weyn ku fadhiya oo Dhexmaray Somaliland iyo Midowga Yurub

Nuxurka Heshiis Muhiimad weyn ku fadhiya oo Dhexmaray Somaliland iyo Midowga Yurub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland iyo Ururka Midawga Yurub, ayaa kala saxeexday heshiis dhawr qodob ka kooban oo ku saabsan iskaashi dhinaca Xeebaha, in Ciidammada Somaliland la wareegaan Xeebaha dalkooda marka la gaadho 2016-ka iyo waxyaabo kale.

EU_somSomaliland oo hore ugu jirtay heshiisyo la xidhiidha la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo Argagixisada, ayaa heshiiskan ay caawa ku kala saxeexdeen Huteelka Ambassator ee magaalada Hargeysa waxa uu u muuqdaa mid wax wayn u ah dalka, isla markaana hore u marin kara Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibad lagu saxeexay heshiiska dhawrka qodob ka kooban ayay isugu yimaaddeen Masuuliyiin ka kala socday dawladda Somaliland iyo Midawga Yurub, ayaa lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay labada dhinac ku kala sexeexdeen.

Dhinaca Somaliland waxaa heshiiskaas u saxeexay Wasiirka arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxaed Biixi Yoonis, halka geesta kalena uu u saxeexay Madaxda Midawga Yurub u qaabbilsan Bariga Afrika oo fadhigiisu yahay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qodobada Heshiiskaasi ka kooban yahay oo Warbaahinta loo soo bandhigay waxa ka mid ah:

1- In Midowga Yurub taageero rasmi ah siiyo dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xeebaha Somaliland.

2-   In marka la gaadho sanadka 2016-ka Ciidanka Xeebaha Somaliland si rasmiya ula wareegaan ammaanka Xeebaha dalkooda.

Waxa kale oo heshiiskan lagu xusay inay Midowga Yurub gacan geysto horumarinta la doonayo in lagu sameeyo Jaamacadda Culuunta Badda ee magaalada Berbera, si aqoonta Ciidanka Xeebaha kor loogu qaado iyo in laga taageero tabobbaro dibedeen inay helaan.

Somaliland oo leh Xeeb dheer oo Khayraad badan, ayaa hore heshiis ugula jirtay Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub, kuwaasoo ku saabsanaa la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo in Xabsiyada Somaliland gaar ahaan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa loo soo wareejin karo Maxaabiista Soomaalida ah ee falalka Budhcad-badeednimo ugu xidhan dalalka dibedda haddii ay dalbadaan.

Waxaana Xabsiga dhexe ee Hargeysa ku xidhan Maxaabiis Budhcad-badeednimo ugu xidhnaa dalal dibedeed oo uu ka mid yahay dalka Siishalis oo ay Maxkamadda dalkaasi ku xukuntay xadhig dheer. Iyada oo ay jiraan Maxaabiis ay Somaliland sheegtay inay yihiin Budhcad-badeed ay Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland Badda ku qabteen oo ay Maxkamadaha Somaliland ku rideen xukunno kala duwan oo iyaguna weli qaarkood ku xidhan yihiin Xabsiyada magaalooyinka dalka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories