HomeNuxurka Heshiis horleh oo Dhexmaray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta

Nuxurka Heshiis horleh oo Dhexmaray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweyne Muuse Bixi iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maanta dalka ku soo laabtay

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

 2 (1)

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar maalmo qaatay dalka kaga maqnaa, ayaa waxa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka ah, maamulka gobolka Maroodi-jeex, saraakiil xukuumadda ka tirsan iyo agaasimeyaal guud.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta Imaaraadka carabtu ka wada-hadleen muddadii ay safarka shaqo halkaas ugu maqnaayeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha iskaashiga iyo nabadgelyada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aad looga wada-hadlay is-kaashiga xagga nabadgelyada, sida aad og tihiinna mandaqadda waxa aad ugu soo xoogaysanaya Argagixisada oo meelo badan ku sugan, sidii arrintaas looga hor tagi lahaa, la isagana kaashan lahaa ayaa kamid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu wada-hadalkaasi ku saabsanaa.”

 IMG_6365

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay kulamada ay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa la qaateen masuuliyiinta ugu sarreeya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta lagaga wada hadlay arrimo dhinaca horumarinta dhaqaalaha Somaliland la xidhiidhiidha, kuwaas oo ay ugu weyn tahay Aas-aasidda shirkad ka shaqaysa xoolaha Somaliland.

“Arrinta nabadgelyada waxa wehelinayey arrimo kale oo muhiim ah oo ku saabsan xagga dhaqaalaha, waxana kamid ahaa in Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka carabtu ay si wada-jir ah u sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland, taas oo iyadu qaadda oo usii gudbisa caalamka intiisa kale, ama dalalka carabta ha noqoto, ama dalal kale oo kasoo fog ha noqoto’e, arrintaasina waa arrin weyn oo lasoo galay oo la filayo inay dhaqaalaha dalkan wax badan ka qaban doonto. Qodobbada kale ee laga wada hadlay waxa kamid ahaa sidii Somaliland baankeeda dhexe loo xoojin lahaa, dalkastana dhaqaalihiisa qayb weyn buu ka yahay baanku, Baanka, ayaana dalka maaliyaddiisa haya oo xukuma oo qorsheeya, haddii uu dhaqaale haystana wax badan kuu tari karaa,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir  Faratoon.

 IMG_6312 (1)

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu intaas ku daray inay Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isla garteen in Madaarka Berbera ee ay dib-u-dhiska ku waddo dawladda Imaaraadku  ay diyaaradaha rayidka iyo kuwa ganacsiguba isticmaali doonaan, waxana uu yidhi, “Arrimaha kale ee muhiimka ah ee dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha ee laga wada-hadlay waxa kamid ahaa madaarkii Berbera ee aad maqlayseen inuu markii hore  kamid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanayaan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories