HomeNuxurka hadal uu madaxweyne Siilaanyo u jeediyey Guddi culimo heer qaran ah...

Nuxurka hadal uu madaxweyne Siilaanyo u jeediyey Guddi culimo heer qaran ah oo uu ku dhawaaqay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Silaanyo, oo maantaafur u sameeyey culimada dalka intooda badan, taas oo qayb ka ah Kulan sanad walba marka ay bisha Ramadaan soo gasho uu madaxweynuhu la yeesho culimada dalka oo isaga yimaada gobolada ay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

099A4001Kulankan oo ahaa mid qiimo weyn leh, waxa halkaasi hadallo ka soo jeediyey qaar ka mid ah culimadii kulanka ka soo qaybgalay iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid yahay wasiirka diinta iyo awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo isagu halkaasi ka akhriyey guddida culimo ah, sida uu dhigayo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo noqon doona guddi isu dheelitiran ama istiro leeg, oo ay ansixin doonaan golaha guurtida Somaliland.

“Culimadiinna qiimaha badan, Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan idinku marti-qaado Qasriga Madaxtooyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland looga taliyo. Ugu horreyn, waxaan jecelahay in aan idinku bogaadiyo culimo ahaan, doorka culus ee aad kaga jirtaan dhismaha Qaranka, gaar ahaan kaalintii aad ka soo qaadateen adkaynta nabadgelyada, dhex-dhexaadinta, xallinta khilaafaadka ama xurgufaha beelaha dhex mara, dib-u-dhiska iyo horumarka Dalka.

099A4000Ujeeddada ugu weyn ee aan caadada uga dhigay, in aynu kulanno bisha barakaysan ee Ramadaan, waxay salka ku haysaa, in aynu samayno wada-tashi. Waxaan soo dhaweynayaa dhaliilaha dhabta ah, ee loo jeedinayo maamulkayga. Waxaan soo dhaweynayaa wixii talo, tusaale iyo toosin ah, ee aad kulankan iigu soo gudbiseen, kuwaas oo aad uga gol-leedihiin in wax lagu hagaajiyo.” Sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan diyaar u ahay, in aan dhug iyo dhaymo u yeesho, dardaaranka iyo dareenka umaddayda, culimo iyo caamo intaba. Waxaa iga go’an in aan ummadayda uga tago, dhaxal wanaagsan iyo hab-dhaqan dawladeed, oo la is-toosin karo. Sidaa darteed, uma aqaan ceeb, in la saxo qaladaadka ka dhaca ama ku yimaadda maamulka dawladnimo.

Xukuumaddaydu waxay kor u qaaday xidhiidhka iyo xurmada culimada dalka, taasina waxay sababtay is-kaashi iyo wada-shaqayn weyn, oo lagaga soo gudbay duruufo badan; sida la-dagaalanka aragtiyaha xag-jirka ah, ee lagu duufsado da’yarta diinta barata. Dhinaca kale, waxa ka mid ah in ay culimadu si weyn uga qayb-qaadatay gurmadka iyo gargaarka qaran, ee loo fidinayo dadka abaaruhu aafeeyeen.”

099A4002Md Siilaanyo waxa uu sheegay inuu sii xoojin doono isla markaana uu ka dhigi doonno sunne uu isagu jeexay oo dalka ka hirgala xidhiidh wanaagsan oo dhexmara culimada iyo madaxda dalka, waxaanu yidhi, “In la sii wado is-kaashiga noocan ah, waa mid aan kula dardaarmi doono, culimada iyo cidda iga dambaysa, ee aan mas’uuliyadda dalka iyo dadka ku wareejin doono. Aniga oo tixgelinaya, codsigii aad culimo ahaan ii soo jeediseen, ee ku saabsanaa samaynta guddida culimada ee dastuurka ku xusan, waxaan u magacaabay laba xubnood oo ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo laba xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida, si ay u soo xulaan, una soo magacaabaan xubnaha Guddida Culimada Qaranka, isla markaana u gudbiyaan Golaha Guurtida, si ay u ansixiyaan. Farxad weyn bay ii tahay, in hawshaa la dhammaystiray muddadii aan xilka qarankan hayey.”

Madaxweyne  Siilaanyo waxa uu la dar-daarmay culimada, waxaanu yidhi, “Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad xoojisaan midnimada iyo wada-shaqaynta culimada dhex-deeda. Sidoo kale, waxaan idinkula dardaarmayaa, in aad nagala shaqaysaan la dagaalanka bal-wadaha, figradaha xag jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada badiya, dadkana khayrka u tilmaam.”

 

Culimada uu madaxweynuhu kulanka la qaatay oo badankoodu yihiin Guddi culimo ah oo madaxweynuhu saxeexay,  ayaa kala ah:-

  1. Sheekh Cabdilaahi Cali Boqore Jawhar
  2. Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed
  3. Sheekh Maxamed Cumar Dirir
  4. Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil
  5. Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax
  6. Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame
  7. Sheekh Dr Cumar Yuusuf Axmed
  8. Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi
  9. Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh
  10. Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)
  11. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi
  12. Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida)

Guddidan culimadu waxa uu noqon doonaa mid ka duulidoona qoddobka 119aad, farqadiisa 1aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland”, qoddobka 116aad (Tirada Guddida iyo muddada xilka), qoddobka 117aad (Shuruudaha Xubnaha), qoddobka 118aad (Waxyaabaha Ka Reebban Xubnaha).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories