HomeNuxurka Go’aamo Xasaasiya Oo Ka Soo Baxay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland

Nuxurka Go’aamo Xasaasiya Oo Ka Soo Baxay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa fadhigooda toddobadlaha maanta ka soo saaray qodobbo khuseeya xaaladda ammaanka dalka, xuska 18-ka maalinta madax-bannaanida Somaliland iyo jawaabta dhawaaq ka soo yeedhay Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in warbixin Guud lagaga dhegaystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Maaliyadda iyo Horumarinta Jidadka, waxaanu goluhu dood ka yeeshay diyaar-garowga Xuska 18 May waxaana shacabka loogu baaqay inay ciidammada ammaanka kala shaqeeyaan sugidda nabadgelyada.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan:-

“Fadhigii 110aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka lagaga dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, mudane, Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa goluhu war-biximo ka kala dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.

Goluhu waxa uu dood dheer iyo falaqayn ka yeeshay arrimo ay ka mid tihiin diyaar garowga sannad guurada 32aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-MAY-1991, Fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad (NDP3), xeerka gaadiidka iyo waddo-marista iyo qodobo kale oo Qaranka muhiim u ah.

Waxaana golaha ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin:-

  1. Xuska 18 May ee Sannad Guuradda 32aad ee ka soo wareegtay Dib-ula-soo-noqoshadii Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland awgeed, waxa uu Goluhu ugu baaqay in Shacabka iyo Ciidanka Qaabilsan Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidii caadada iyo dhaqanka u ahayd ay iskaga kaashadaan ilaalinta nabadda dalka, isla markaana ciidanku ay si gaar ah xil-weyn iska saaraan xoojinta Amniga, iyada oo Ciidammada ku hawlan Difaaca Guud ee Qarankuna ku sugnaan doonaan xarumahoodii.
  2. In aanay Qaranka Somaliland khusaynin Tiro koobka ay Soomaaliya ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya, xuduudeheeda Afarta Jahana ay cad yihiin, waana xuduudo caalami ah. Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xuduudaheedu waxay u jiraan si sharci ah (de jure).
  3. In Hay’adaha Dawladu ay fuliyaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad (NDP3).

Ugu dambayn, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa sharaxaad ka bixiyey Kaabista iyo Wax-ka beddelka Xeerka Gaadiidka iyo Waddo-marista (Xeer Lr.56/2023). Intaas ka dib goluhu waxa dood iyo falan-qayn dheer ka yeeshay Xeerkaas, iyagoo u ballamay in doodu sii socon doonto shirarka dembe ee Golaha.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories