HomeNuxurka Go'aamo Shan Qodob ka kooban oo ka soo baxay Shirka Golaha...

Nuxurka Go’aamo Shan Qodob ka kooban oo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeya (SLpost)- Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo maalin kasta oo Khamiis ah ku qabsooma Xarunta Madax-tooyada, ayaa maanta laga soo saaray go’aamo ka kooban shan qodob oo dhammaantood layskula qaatay in la fuliyo, una hoggaansamaan dhammaan masuulyiinta laamaha dowladda ee ay qusayso.

Shirka maanta ee Golaha Wasiirrada oo uu Shir-gudoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu faahfaahiyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha, waxaanu war-saxaafadeedka oo dhameystiran u dhignaa sidan:-

FB_IMG_1513426891353“Kal-fadhigii lixaad (6aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 22.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa warbixin lagaga dhegaystay guddida nabadgalyada ee Golaha Wasiirada oo daarasad kooban ka diyaariyey sida looga hortagi karo dagaallada soo noqnoqda ee dhexmara Beelaha Somaliland qaarkood oo ay ku sababeeyeen isku qabsiga khayraadka bulshada ka dhexeeya, khilaafyada ka dhasha arrimaha dhulka, Aanooyinka qabiilada iyo khilaafyo siyaasiya.

Dhanka kale waxa golaha Wasiirradu aad ugu dheeraadeen sidii bulshada Somaliland ay ugu sinnaan lahayd Caddaaladna loogu samayn lahaa marka ay timaaddo shqo dawladeed iyo dhammaanba fursadaha kale ee dalka ka jira.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhankiisa wuxuu wasiirrada ku adkeeyey in lagama maarmaan ay tahay xoojinta shaqada qaranka loo hayo, waqti dheeraadana la galiyo shaqada.

Waxaana gebegebadii shirka ka soo baxay qodobbadan.

1.      In guddida nabad galyadu soo sameeyaan qorshe sal-ballaadhan oo lagu dhamaystirayo talooyinka ay soo jeediyeen, si loo xakameeyo dagaallada soo noqnoda ee beelaha

2.      In hablaha Somaliland ay mudan yihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka ka jira, sidaa awgeedna in mas’uuliyiinta wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee dawladdu ay hablaha fursad u siiyaan shaqo kasta oo ay qaban karaan.

3.      In hay’adda shaqaalaha dawladdu marka ay qaadayso imtixaanka shaqada lagu galayo ay hablaha u samayso nidaam gaar ah oo u sahlaya inay qayb ka noqdaan shaqaalaha dawladda, iyadoo la tixgelinayo sharciga shaqaalaha dawladda

4.      In beelaha Gabooye ay xaq u leeyihiin inay helaan fursadaha shaqo ee dalka heerkastaba, sidaa awgeed waxa mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa bannaan la farayaa inay ka qaybgeliyaan shaqada heer qaran, heer gobol iyo heer degmo-ba.

5.      Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay inay waajib tahay in la hirgaliyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda kale ee dalka u degsan, si loo xoojiyo nidaamka dawladnimada.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweyaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories