HomeNuxurka Go'aamo laga soo Saaray Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ergada...

Nuxurka Go’aamo laga soo Saaray Kulan Dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ergada Dhex-dhexaadinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan madaxtooyada kula yeeshay Ergo isugu jira Golaha Guurtida iyo Madax-dhaqameed oo dhex-dhexaadin ka dhex-wada Xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradka oo isku khilaafsan Arrimaha Doorashooyinka.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayeen xubnaha qaranka ugu sarreeya oo ay kamid yihiin madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo xubnaha ergeda  is xilqaantay, waxaana diiradda lagu saaray sidii Meesha looga saari lahaa khilaafka siyaasiga ah, loona daaweyn lahaa tabashada ay   mucaarudku qabaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey nuxurka arrimaha lagaga wada-hadlay kulanka iyo go’aamo sida wada-jir ah loo gaadhay.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergeda is xilqaantay soo dhaweeyey, waxana uu muujiyey in masuuliyadda qaran ee uu hayo iyo damiirkiisuba farayaan inuu danta qaranka ka shaqeeyo, kuna dheggenaado xeerarka iyo shuruucda dalka, maaddaama oo uu yahay ilaaliyaha Dastuurka Dalka, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu dhinaciisa xadhigga debciyo oo uu muhiimad siiyo wax kasta oo dhinacyada siyaasadda isku hayaa isugu soo dhawaan karaan.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Qaranka ka codsaday inuu sii daayo xubnihii mucaaridka ahaa ee lagu xidhxidhay rabshadihii mudaharaadkii dhawaan Hargeysa ka dhacay, taas oo uu madaxweynuhu si masuuliyad leh u aqbalay.

blankDood iyo wada-hadal dheer oo saacado socday kaddib, waxa la isla qaatay labadan qodob oo ibo-fur u ah in is faham buuxa la gaadho, lana abuuro jawi isu soo dhawaansho iyo heshiis horseedi kara, kuwaas oo kala ah:

  • In lasii daayo dhammaanba xubnihii mucaaridka ahaa ee xidhnaa, sii dayntoodana loo maro nidaamka sharci ee dalka u dejisan, taas oo ah inay xeer ilaalinta iyo Boolisku ka laabtaan eeddii xubnahaas loo haystay, si ay maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex xorriyaddoodii ugu celiso, kol haddii ay eeddii la noqdeen hay’adihii ku shaqada lahaa, taas oo isla maantaba bilaabantay, lana sii daayey.
  • In guddoomiyaha golaha guurtidu oo hoggaaminaya xubnaha ergeda ahi ay maalinta berri ah isu keenaan madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo hoggaanka madaxda labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, si wada-hadalkii rasmiga ahaa ee gogosheeda madaxweynuhu fidiyey  u bilaabmaan.

Ugu dambayn markii shirkaasi soo dhamaaday waxa  Afka ergeda ku hadlay, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida  milgaha leh  ee uu u qaabilay maalintii labaad iyo sida xilkasnimada leh ee uu u aqbalay soo jeedimihii dhinacooda ka yimi, isagoo soo bogaadiyey qodobada ka soo baxay shirkaa maanta.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories