HomeNuxurka Go'aamo Dhiirri-gelinaya Ka-hortagga CoronaVirus oo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada...

Nuxurka Go’aamo Dhiirri-gelinaya Ka-hortagga CoronaVirus oo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Fadhiga todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland isugu yimaaddeen Khamiista maanta, ayaa lagaga dooday saamaynta caabuqa CoronaVirus iyo dedaallada xukuumaddu ugu jirto ka-hortagga iyo xakamaynta Cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu faafaya adduunka.

blankShirka Golaha wasiirrada oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday halista caabuqa CoronaVirus iyo sidii loo sii xoojin lahaa dedaallada xukuumadda ee ku wejahan ka-hortagga iyo xakamaynta cudurka COVID-19.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Saxaafadda ee madaxtooyada JSL, ayaa lagu faahfaahiyey Arrimaha lagaga hadlay iyo go’aamo shirka ka soo baxay.

War-saxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan:-

“Fadhigii 56aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kana qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxa maanta lagu lafo-guray ka hortaga xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus, sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuumad iyo shacbi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.
Waxaana falanqayn iyo dood dheer oo goluhu yeeshay ka dib ay soo saareen qodobadan:-
1. In guddidii heer qaran ee ka hortaga xanuunka Coronavirus lagu xoojiyo madaxweyne ku xigeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka horumarinta maaliyada, waxaana guddidaasi laga bilaabo maanta gudoomin doona madaxweyne ku xigeenka.
2. In madaama oo dadka intiisa badani ku dhaqan yihiin caasimada Somaliland ee Hargeysa, guddidii heer degmo ee caasimada, iyana lagu xoojiyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, waxaana guddidaasi gudoomin doona wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, si ay u diyaariyaan goobo caafimaad.
3. In dib loo eego cashuur dhaafkii xukuumaddu hore u samaysay.
4. In la hakiyey mashaariicdii horumarka ee ku jirtay miisaaniyada sannadka 2020.
5. In dawladdu ay iibsanayso dhammaan raashinka waddaniga ah ee ka soo go’ay beeraha dalka, waxaanu ka mid noqon doonaa keydka raashinka qaranka.
6. Waxa kale oo goluhu go’aamiyey in cashuur dhaaf loo sameeyo agabka iyo daawooyinka lagula tacaalayo xanuunka coronavirus.
7. Sidoo kale Golaha wasiiradu waxay bil mushaharkeed ugu deeqeen in lagu kabo dhaqaalaha xanuunka Covid 19, lacagtaas oo ka mid noqon doonta kharashaadka lagaga hortegayo xanuunka Coronavirus.
8. Ugu danbayn waxa goluhu go’aamiyey in wixii hadda ka danbeeya shirarkii laysugu iman jiray iyo waraaqihii la isu gudbin jiray xafiisyada loo bedelo habka tiknoolajiyada, si looga hortago faafida xanuunka Corona-virus.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.
Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories