HomeNuxurka Faahfaahin ku saabsan Heshiis Macdan-qodista ah oo xukuumadda Siilaanyo la gashay...

Nuxurka Faahfaahin ku saabsan Heshiis Macdan-qodista ah oo xukuumadda Siilaanyo la gashay Shirkad Shisheeye iyo Goobaha laga Qodayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ottawa, (SLpost)- Shirkad laga leeyahay dalka Canada oo magaceeda la yidhaahdo Mindesta Inc. ayaa shaacisay inay heshiis dhanka macdan baadhista ah la gashay dawladda Somaliland isla markaana  ay haystaan ogolaanshiyaha  sahaminta dhul baaxaddiisu dhan tahay 2000km laba jibbaan oo u kala qaybsan laba meelood (aag).

Shirkaddu waxay ay sidan ku sheegtay warsaxaafaded ay maanta (19/12/2011) soo saartay kaas oo ay ku sheegtay inay go’aansadeen in hawl-galkooda sahaminta Macdanta ku jihaysan yahay Bariga Afrika gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waxaanay ku sababeeyeen in kheyraadka ku jira dalalkani soo jiitay yoolkooda isla markaana ay ku yaalaan deegaan hannaankiisa siyaasadeed horumar samaynayo, waxaanu go’aanka shirkaddani ku soo beegmay xilli ay shirkaddu hoggaan cusub u dooratay C. Trucker Barrie oo shahaada Ph.D ku haysta cilmiga Geology-ga.

Waxa kale oo war-murtiyeedka lagu sheegay in Shirkaddan (Mindesta) oo ah shirkad dhanka macluumaadka, suuq-geynta iyo isku xidhka qaabilsan, ay heshiis la gashay shirkad gaar loo leeyahay oo layidhaahdo Nubian Gold Corporation oo saldhiggeedu yahay magaalada Ontario ee dalka Canada taas oo ogolaansho u haysata inay sahan macdan baadhis ah ka samayso laba aag oo ka kala tirsan deegaannada magaalooyinka Arabsiyo iyo Qabri-baxar oo midkiiba baaxaddiisu dhan tahay 2000km2, kuwaas oo sida la sheegay ah deegaannada kaliya ee xukuumadda Somaliland ogolaatay in baadhitaan dhanka macdanta ah laga sameeyo.

Sida ku xusan war-murtiyeedka, shirkadda ogolaansaha bixinaysa ee Mindesta, waxay heshiiska ku gashay inay 50% faa’idada ay ku qaadato Ogolaanshiyaha iyo kharashka sahaminta muddo laba sanno ah. Taas beddelkeeda, shirkadda Mindesta waxa ay lacag horumarin ah oo dhan $100,000 shirkadda Nubian u siinaysaa magdhowga  kharashaadka ay gasho, iyada oo sidoo kale ay meesha ku jirto $750,000 oo kharashaadka sahaminta macdanta ah.

Sida ka muuqata magaca shirkadda hawl-galka sahaminta samaynaysa (Nubian), waxa ay hawl-galladeeda la fulisaa dhul juquraafi ahaan xambaarsan magaca shirkadda kaas oo ka kooban qaybo ka mid ah dalka Sucuudiga, Masar, Suudaan, Eretariya iyo Somaliland, waxaana dhulkan oo juquraafi ahaan adduunka loo yaqaanno (Nubian Shield) ku jira keydka macdan xaddi badan oo ay ka mid yihiin goobaha macdanta laga baadho ee Bisha oo ku taala Eritra, Sukari oo ku taala Masar iyo shan goobood oo dahabka laga qodo kuna yaala dalka Sucuudiga.

Somaliland waxay iska leedahay dhul baaxaddiisu dhantahay 30,000km2 oo ka tirsan dhul-juquraafiyeedka loo yaqaan Nubian Shield kaas oo ay ku yaalaan nooca dhagxaanta loo yaqaanno Precambrian. Iyada oo macluumaadka sahaminta macdanaha uu Ingiriisku hore u sameeyey wakhtigii guumaysiga, waxa jiray baadhitaanno ay Maraykanka iyo Ruushku sannadihii 1970neeyadii ku heleen dhul qani ku ah macdanaha Dahabka, Copper, Lead, Zinc iyo Nickel. Shirkaddan oo kaashanaysa macluumaadkaas hore loo helay, waxay nasiib u heshay ogolaanshiyaha inay ka hawl-gasho dhul barwaaqo ku ah macdanaha sida Somaliland oo kale, waxaanay hore bilowday safarro ay baadhitaano ku sameeyeen bishii September ee sannadkan.

 Ugu dambeyntii waxa ay shirkaddu ku sheegtay war-murtiyeedkeeda in natiijooyinka baadhitaanka iyo sahaminta macluumaadka la rejaynayo inay soo baxaan lixda bilood ee ugu horreeya sannadka 2012-ka.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories