HomeNuxurka Dhambaal Beesha Caalamku U Soo Dirtay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Jawaabta Uu...

Nuxurka Dhambaal Beesha Caalamku U Soo Dirtay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo diray dhambaal ay kaga dalbanayaan inuu ka noqdo go’aanka uu ku kala qaaday labada doorasho islamarkaana uu dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada. Taas oo uu madaxweyne Siilaanyana kaga jawaabay dhambaal kale oo uu go’aankiisa ugu sharraxayo.

a-a-a-siilaanyo

Labada qoraal ee ay isweydaarsadeen Mudane Siilaanyo iyo beesha caalamku oo haa kuwo aan loogu tallo gelin warbaahinta ayaa Ilo xogogaal ahi waxay wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyeen in dalalkan oo uu metelayay dalka Ingiriisku madaxweyne Siilaanyo dhambaalkooda soo gaadhsiiyeen badhtamihii bishan oo ku beegnayd markii ay soo saareen warsaxafadeedka ay walaaca kaga muujiyeen go’aanka Madaxweynaha.

 

Sida ay xogahani u sheegeen Geeska Afrika, waxa ay dalalkani Madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen inuu ka noqdo go’aankiisa oo ay ka digeen inuu dhaawac u gaysanayo wada shaqaynta Somaliland iyo beesha caalamka iyo weliba hawlgallada aqoonsi raadiska, maadaamaba oo bay yidhaahdeen ay dib u dhaca iyo muddo kordhintu dhaawacayso kalsoonidii caalamku ku qabay hore u socodka Somaliland.

 

Waxa ay dalalkani sheegeen inaanay niyad ahaan soo dhawaynayn go’aankaas oo sabab u noqon kara saamayn siyaasadeed oo Somaliland la soo derista.

 

Ilahan xogogaalka ahi waxa ay Geeska Afrika u xaqiijiyeen in Madaxweyne Siilaanyo ka jawaabay dhambaalka ay u soo direen dalalkani, waxaanu difaacay go’aanka uu qaatay oo uu carrabka ku adkeeyay inuu dan u yahay Somaliland.

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu kaloo sida ay xogahani sheegeen dhambaalkiisa eedo ugu jeediyay xisbiyada mucaaradka oo uu sheegay inaanay lahayn yool iyo itijaah siyaasadeed oo cad, kaas oo isna sida uu xusay qayb ka ah dib u dhaca doorashada baarlamaanka.

 

Madaxweyne Siilaanyo, waxa kale oo uu qoraalkiisa jawaabta ah ku sheegay inay ka go’antahay inay doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigii loogu tallo galay oo ah March 2017, balse ay doorashada golaha wakiiladu dib ugu dhacayso duruufo maxali ah.

 

Ugu dambayn wuxuu dalalkan uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, oo uu Geeska Afrika weydiiyay dhambaaladan, ayaa wuxuu xaqiijiyay in dhambaaladani jiraan, waxaanu ku tilmaamay inuu ahaa dhambaal ay dalalkani Somaliland ku dhiirigelinayaan inaan la kala qaadin labada doorasho, wuxuuse sheegay in madaxweyne Siilaanyo ku qancay in la kala qaado labada doorasho.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories