HomeNuxurka Daraasad daboolka ka qaadday Dedaallo qarsoodi ah Laysugu soo dhawaynayo Somaliland...

Nuxurka Daraasad daboolka ka qaadday Dedaallo qarsoodi ah Laysugu soo dhawaynayo Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

dynamicsHargeysa (SLpost)- Hay’ad lagu magacaabo Conflict Dynamics, ayaa dhowaan soo saartay daraasad ku saabsan qaabka ugu habboon ee xalka u noqon kara is-afgarad laga gaadho wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, iyadaa oo aan ilaa immika si madax-bannaan loo soo bandhigin daraasaddan.

Hordhac ku saabsan Daraasadan oo hay’adda CD shaacisay, ayaa lagu sheegay in Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ay u taalo hawl muhiim ah oo la xidhiidha dhismaha dawladeed si xal looga gaadho wada-xaajoodka labada dhinac, taas oo ka dhalan karta isla markaana dhiirrigelin ka helaysa nidaam ku salaysan dhaqanka Soomaaliyeed ee ay wadaagaan.

Inkasta oo hay’addani ujeeddada daraasada ku sheegtay mid ku kooban bixinta fikrado wax ku biirinaya wada-xaajoodyada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana aanay ahayn mid talooyin loogu jeedinayo, ayaa wargeyska HIMILO si uu faahfaahin dheeraad ah uga helo muhiimada daraasadan iyo macluumaad la xidhiidha, waxa uu xidhiidh la sameeyey Agaasimaha hay’adda Conflict Dynamics Mr. Paul Simkin oo aanu weydiinnay ujeeddada daraasadda iyo haddii ay u bandhigeen madaxda Somaliland ama Soomaaliya.

Mr. Paul Simkin waxa u u sheegay inaanay sharciyan awood u lahayn inay la wadaagaan bulshada hawlaha ay la wadaagaan masuuliyiinta Somaliland iyo Soomaaliya maadama ay yihiin kuwo qarsoon.

Sarkaalkani waxa uu gebi-ahaanba ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka faahfaahin ka bixiyo nuxurka ay xambaarsan tahay iyo ujeeddada ay ka leeyihiin, isaga oo ku dooday in hawshoodu tahay mid qarsoodi ah oo ka dhaxaysa cidda ay xidhiidhka ka leeyihiin, waxaanu yidhi, “Taageerada hay’adda Conflict Dynamics ee hawshan waxaanu u samaynaa qaab qarsoodi ah, suurtagalna maaha inaan idinla wadaagno fikradaha dhinacyada aanu la shaqeyno.”

Mr. Simkin waxa uu sheegay in ka hadalka arrintani ka go’do oo kaliya madaxda Somaliland ama Soomaaliya oo uu dhinacooda isaga riixay, waxaanu yidhi, “Hadii hogaamiyeyaasha Somaliland ama Soomaaliya jecelyihiin inay idinla wadaagaan fikradahooda, waxaan kugula tallin lahaa inaad toos ula xidhiidho iyaga. Xal waara waxa uu ka iman karaa keliya shacabka iyo hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya.”

Dhinaca kale, wargeyska HIMILO waxa isku deyey inuu arrintan wax ka weydiiyo madaxda wasaaradda Arrimaha Dibedda si aanu uga xaqiijnno xogaha la xidhiidha daraasada hay’adani soo saartay iyo hadduu jiro xidhiidho dhexmaray, haseyeeshee nooma suurta-galin inaanu khadka telefonka oo aanu ka wacnay ku helno.

XIGASHO: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories