HomeNuxurka Codsi iyo taageero Ururka dhalinyarada ee SONYO u gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo

Nuxurka Codsi iyo taageero Ururka dhalinyarada ee SONYO u gudbiyeen madaxweyne Siilaanyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamd Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan qasriga Madaxtooyada kula yeesha Dallada kulmisa dhalinyarada Somaliland ee loo soo gaabiyo magacooda SONYO.

Kulankan ayaa ahaa mid ay Dalladu madaxweynuhu ula timi inuu wax kala qabto laba qodob kuwaasi oo kala ahaa:

1. Taageerada dhismaha dhulka Sonyo ay ka dhisanayso xarunta Daraasaadka dhalinyarada iyo xafiiska Sonyo

2. taageerada halganka dhalinyaradu ku rabaan inay ka qayb-galaan doorashooyinka dawlada Hoose iyada wax ka bedel lagu samaynayo xeerka doorashooyinka Dawlada Xeer Lambar 20.Hadaba nuxurka codsiga ay dallada Sonyo Madaxweynaha u gudbisay ayaa waxa ay ku yidhaahdeen sidatan: –

“Mudane madaxweyne ugu hroayn waxay guud ahaan xubnaha Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ku soo dirayaan salaan kal iyo laab ah, iyaga oo kuugu ducaynaya inuu Ilaahay kugu garab-galo xilka qaran ee aad hayso, kuuna dhabeeyo ahdaaftaada siyaasadeed ee aad qarankan dhidibada ugu adkaynayso islamarkaana aad ku horseedayso horumarka dhaqan-dhaqaale oo balaadhan.

Mudane Madaxweyne, kulankan aad maanta nagu qaabishay xafiiskaaga anagoo kaaga mahadcelinayna waxaanu si xushmad qadarin iyo sharafba leh kaaga codsanaynaa laba qodob oo aanu isleenahay waxay laf dhabar u yihiin horukaca dhallinyarada iyo hirgelinta qorsheyaasha dhaw iyo fog ee lagu taabo-gelinayo himilada da’yarta Somaliland.

1- taageerada dhismaha dhulka SONYO ay ka dhisayso xarunta daraasaadka dhalinyaraa iyo xafiisyada  dallada SONYO, Mudane Madaxweyne waaanu codsan lahayn in 40% aad naga taageerto kharashka ku baxaya dhismaha dhulkaas ay xukuumadu na siisay.

2- Taageerada halganka dhalinyaraddu ku rabaan inay ka qayb-galaan doorashooyinka dawladaha Hoose iyadoo wax ka bedel lagu samaynayo xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose Xeer Lam 20. Mudane Madaxweyne sidii ku cadayd qorshahaagii iyo barnaamijkaagii doorashada, dhalinyaradu waxay u taagan yihiin ka qayb-galka tallada iyo hoggaaminta qarankooda. sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in la dhimo ama la yareeyo da’da lagaga qayb-galayo Goleyaasha dawladaha hoose.”

Ugu dambayntii, Madaxweynaha waxay ku ammaaneen inuu fuliyay wax badan balanqaadyadii uu dhalinyarada u qaaday, xukunka dalkana ka qayb-geliyay oo ay iminka jagooyin badan ka hayaan.

Madaxweynuhu wuxuu u sheegay in gacanta lagu hayo xeerkaas, xeer number 20 hay’adaha sharci dejinta la horgayn doono.

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay dedaalka looga baahan yahay inay iyagu hirgeliyaan dhismahaasi, xukuumaduna diyaar u tahay inay ka kabto wixii ka qabyooba.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories