HomeNuxurka Bayaan ay ku saxeexan yihiin Tiradii ugu Badneyd Culimada Soomaaliyeed ee...

Nuxurka Bayaan ay ku saxeexan yihiin Tiradii ugu Badneyd Culimada Soomaaliyeed ee ka hadashay Xasuuqa ku Socday Shacabka Falastiiniyiinta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco (SLpost)- Bayaan ay ku saxeexan yihiin In ku dhow 40 ka mid ah Culimada Diinta ee reer gobolka Togdheer, ayaa lagu cambaareeyey gabbood-fallada ka dhanka bani’aadamnimada iyo xasuuqa Ciidmada Yuhuuddu ka geysanayaan Marinka Gaza oo ay ku nool yihiin Shacabka Reer Falastiin.

gaza massacreBayaan ay ku saxeexanyihiin magacyada xubnaha culimo-awdiinka ah oo warbaahinta loo qaybiyay shalay, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ay ku tilmaameen aamusnaanta dunida Islaamku ku eegayso xasuuqa ba’an ee ka socda dhulka Falastiiniyiinta.

Bayaanka oo culimadu ku xustay inay Taageero intii awooddooda ah u fidinayaan shacbiga halkaasi Yuhuudu ku xasuuqayso, ayaa u qornaa sidan, “Sida la ogyahay, dawlada sheegata israaiil ee yuhuuddu waxa ay xasuuq iyo gumaad ba’an u gaysatay walaalaha muslimiinta ah ee reer Qazza,iyada oo ku soo qaaday dagaal cirka,dhulka iyo baddaba ah, waxaana dagaalkaasi gaystay dhimasho kor u dhaafaty illaa iyo hadda 1800, halaka dhawaawucuna kor u dhaafay 9000. walina dagaalkii wuu socdaa , cirka iyo dhulka iyo badda ayaa hadh iyo habeen laga duqeeyaa , waxa u badan ee ku dhimanayaana waa dad rayiid ah oo isgu jira caruur iyo dumar . Reer Qazza waxay go’doon ahaayeen ku dhawaad siddeed sanno , intaasna way dhibbanaayeen , waana markii saddexdaad ee ay yuhuuddu ku soo qaado dagaal ( 2008, 2012 iyo 2014) . Sida aynu ognahay diinteena islaamku waxa ay ina faraysaa in aynu isu hiilino , oo ay muslimiintu walaalao yihiin , hal jidh oo isu damqanaaya yihiin .. sidaa awgeed culimada gobolka togdheer ayaa waxa ay soo saareen baaqaan.

1- Waxaaanu ka damqanaynaa isla mar ahaantaana canbaaraynaynaa gumaadka ay yuhuudu ku samaynayso walaalahayga reer qazza , sidoo kale waxaanu canbaaraynaynaa cidksata oo siinaysa taageero toos ah ama mid dadban.

2- Waxaanu ku taageeraynaa walaalaha reer gaza wax kasta oo awoodayada ah, oo ay ugu horayso ducadu duruufuhuna ay saamaxaan ,sidoo kale waxaananu ku taageeraynaa in ay xaq u leeyihiin inay isdifaacaan iyagoo ilaashanaya diintooda ,dhiigooga iyo muqadasaadka islaamka.

3- Waxa aanu ugu baaqaynaa umadda islaamaka meelkasta oo ay joogaan iyo cidkasta oo damiir bani aadamnimo leh , in ay is garab taagaan walaalaha reer Qazza iyagoo lawadaagaaya dareen iyo ducaba .

4-Waxaa layaab leh aamuska caalamka islaamku ka aamusan yahay gumaadka reer Qazza lagu hayo habeen iyo maalinba, gaar ahaan madaxda caalamka islaamka, iyada oo la wada ogsoon yahay taageerada cadaanka ah ee ay siinayaan yuhuudda dawladaha waawayn ee reer galbeedku.

Magacyada Culimada Bayaankan ku saxeexan

1-Sh Cali Warsmae

2-Sh.Yuusuf Cabdi Cawad

3.Suldaan Maxamuud Guuleed Mire

4. Suldaan Daakir Xassan Khaliif

5.Sh. Cabdilaahe Baashe

6-Sh. Cabdiqani Aw Saalax Cali

7-Sh.Dr Xasan Sh .Cali Warsme

8–Sh. Siciid Xaaji Cismaan Maxmed

9- Sh. Cabdilaahi Khaliif Jaamac

10-Sh. Mustafe Aadan Mxamed

11- Sh . Cabdiwahaab Xaashi Xasan

12- Sh.Ibraahin Jaamac Axmed

13- Sh.Maxmed Shukri Xasan

14- Sh.Cabdiqaadir Muuse Xasan

15- Sh.Jaamac Cismaan Axmed

16-Sh.Cismaan Ibraahin Faarax

17- Sh.Xusdeen Aadan Cali

18- Sh.Xasan Abokor Dhuuxyare

19- Sh. Saleebaan Cali Daahir

20- Sh.Daawuud Cali Xuseen

21- Sh. Baashe Obsiye Ducaale

22- Sh. Jibriil Xaaji Siciid Maxamed

23- Sh. Ismaaciil Yuusuf Xasan

24-Sh.Cabdishakuur Jaamac Dirir

25- Sh. Maxamed Kaahin Saleebaan

26- Sh. Faysal Cali Faarax

27- Sh Yuusuf Maxmuud Diiriye

28- Sh . Maxamuud Sh Xasan Guleed

29- Sh. Aadan Cabdi Ismaaciil

30- Sh.Aadan Yuusuf Maxmed

31-Sh.Maxmed Cabdilaahi Jaamac Suudi

32- Dr. C/Raxmaan Axmed Raage

33- Dr. Xuseen Maxamuud Ducaale

34-Sh. Baashe Maxamed Siciid

36- Sh. C/Rashiid X Aadam

37- Sh. Jaamac Cali Cabdille

Dhawaaqa culimada reer Burco ayaa sii xoojinaya dhambaallada Somaliland iyo geyiga Soomaalidaba hore loogaga cambaareeyay xasuuqa bil ku dhawaadka socda ee GAZA, kuwaas oo ay culimada iyo wax-garadka dalku si adag uga hadleen.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u cambaareysay dagaalka ka socda marinka GAZA oo inta badan beesha caalamku walaac ka muujinayso.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa Maalintii ciidda ee dabayaaqada bishii Jully ee la soo dhaafay, sheegay inay dawladda Somaliland dagaalka ka socda marinka GAZA u aragto xasuuq lagu hayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

gazaDuqeymaha Magaalada GAZA oo muddo bil ku dhow socda, waxa ku dhintay 1,868 qof oo Falastiiniyiin ah halka 9,470 oo qofna ku dhaawacmeen, waxaana ilaa shalay gelinkii dambe socday duqeynta diyaaradaha Israel u geysanayaan shacabka, ka dib marii ay Yuhuuddu jabisay xabbad-joojin todoba saacadood ah oo dhinacooda ka timi wax yar ka dib markii uu bilaabmay wakhtiga xabbad-joojintu.

Dhinaca Yuhuudda, waxa dagaalka Gaza kaga dhintay 67 Askari iyo saddex qof oo shacab ah oo midkood yahay muhaajir u dhashay dalka Thailand oo ka shaqaysta waddanka Israel.

SOMALILANDPOST.NET

CONTACT@SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories